Turkiga ayaa wada dhaqdhaqaaq xoogan oo ka dhan ah kooxaha Kurdiyiinta Suuriya.
Sida uu daabacay wargeyska Wall Street Journal isagoo soo xoganaya saraakiil Ameerikaan ah, xukuumada Anakara iyo xulafadeeda ayaa si aad ah saacadihii lasoo dhaafay dhanka xadka Suuriya uga wadaan diyaar garow ay weerar ugu ekeeneyso askarta Kurdiyiinta ee uu Mareykanku taageero.
Saraakiisha Mareykanka ayaa sidoo kale saxiifada u sheegay in dhaqdhaqaaqan ay hada ay wado Anakara uu lamid yahay midkii 2019 ka hor inta uusan Turkiga duullaan ku qaadin waqooyi bari dalka Suuriya.
Ilham Ahmed waa sarkaal sare oo ka tirsan kooxaha Kurdiyiinta Suuriya, waxa uu Donald Trump ku wargeliyey in duulaanka Turkiga uu kusoo wajahanyahay saacadaha soo aadan, waxa uuna yiri “Turkigu waxa uu doonayaa inuu qabsado dhulkeena ka hor inta aadan adiga xafiiska imaan”.
Xiisada Labada dhinac ayaa hada u muuqata mid sii kulaaneysa, Mareykankuna wali war kama soo yeerin war uu taageero warbaahinta dhankeeda ah uu ugu muujinayao kooxahan uu maamulo.
FAAFREEB PRO