Turkiga oo sheegay in yuhuuda ay yihiin taageeraha dhabta ah ee maleeshiyaatka Kurdida Suuriya, isaguna waa qodob kale oo aan maanta ku milicsan doono xubinta wargeysyada.
Maqaal lagu daabacay wargeyska Sabah ee ka soo baxa dalka Turkiga ayaa lagu sheegay in sahaayinada ay yihiin taageeraha sirta ah ee maleeshiyaatka Kurdida, kuwaas oo uu Turkigu u arko khatarta ugu weyn ee nabadda iyo ammaanka gobolka.
Joornaalka ayaa xogtiisa intaasi ku daraya in yuhuuda ay dareemayaan wal walwal daran tan iyo dhicitaanka nidaamkii dhiigya cabka ahaa ee Bashaar Al-Asad, maadaama maleeshiyaatku ay ka baqanayaan in Mareykanku uu garabkooda ka boxo meel cadna ay kusoo dhacaan, sidaasina maamulka yuhuuda uu kaligiis u awoodi waayo taageeridooda.
Hadaba tani waxay nooqoneysaa cadeyn hor leh oo muujineysa cilaaqaadka ka dhexeeya kooxaha kurdida Suuriya iyo sahaayinada, walow dhanka yuhuuda aanan laga heyn wax qiraal ah, Turkiga ayaana meeshan kala soo bixi doona fursad kale oo uu kusii Laba jibaaro weeraradiisa ka dhanka ah kooxahan.
FAAFREEB PRO