Turkiga oo Sannadkan Taageeradii Dhaqaale ka Jartey Kooxda Xasan Gurguurte.

Dec 17, 2025

Kooxda Riddada Somaliya ayaa shaaca ka qaadday in sannadkan ay waayeen kaalmadii dhaqaale ee ay ka heli jireen dawladda daba-dhilifka ah ee Turkiga, iyadoo Wasiirka Maaliyadda ee kooxdaasi xaqiijiyay in sanadkan wax lacag ah aanay ka helin maamulka Riddada ee Ankara.

Murtad Bixi Iimaan Cige oo ah Wasiirka Maaliyadda ee kooxda Gurguurte, ayaa warbaahinta u sheegay in Turkiga, oo ka mid ah daba-dhilifyada ku adeegta murtadiinta Soomaaliya, aanay weli bixin taageeradii miisaaniyadeed ee sanadlaha ahayd, xilli wax ka yar 2 usbuuc ay ka harsan tahay dhammaadka sannadka.

Isagoo wasiirku ka hadlaya arrintan ayaa waxa uu yiri “Turkigu sanadihii hore si joogto ah ayuu u bixin jiray taageero miisaaniyadeed, laakiin taageeradii sanadkan oo ahayd 30 milyan oo Dollar ayaa dib u dhacday. Si ka duwan sanadihii hore, lacagta lama bixin waqtigeedii,”

Dib u dhacan ayaa dhaliyay su’aalo dhowr ah, kuwaas oo ku saabsan sababta Turkiga oo ka mid ah saaxiibada ugu muhiimsan kooxda Riddada ee Villa Soomaaliya uusan weli u bixin kaalmada lacageed ee uu siin jiray kooxdaasi.

Hadalkan qaylo-dhaanta ah ee kasoo yeertay wasiirka maaliyadda ayaa imanaya xilli miisaaniyadda kooxda Villa Somaliya ee sannadkan, oo sida la sheegay ka badan hal bilyan oo doollar, aanay weli ansixin baarlamaanka dawaaqiidda ee Riddada Soomaaliya.

Tallaabadan ay qaadday dawladda Riddada ee Turkiga, ayaa kusoo aadaysa xilli kooxda Villa Somaliya la il-darnayd caqabado dhaqaale oo aad u xooggan oo lasoo darsay tan iyo wixii ka dambeeyey markii Donald Trump uu ka joojiyey lacagihii uu siin jiray.