Xukuumada Ankara ayaa dhax muquuraneysa fadeexo xoogan kadib markii bada cas lagu weeraray markab shixnad u siday dekedaha yuhuuda oo ay leeyihiin saaxiibbada Erdogan ee dhanka siyaasada iyo xubno muhiim ah oo ka tirsan xisbiga haya talada wadankaas.
Sida uu daabacay joornaalka Norwegian-ka ah TradeWinds kana faalooda arimaha ganacsiga badaha isaga kala goosha, waxaa saacadihii lasoo dhaafay bada cas lagu weeraray markabka Anadolu S oo laga leeyahya gudaha dalka Turkiga, kaasoo ay wada leeyihiin xubno katrisan xisbiga hada hogaanka u haya dalka Turkiga ee AK party iyo ganacsada caanka ah ee Salih Zeki çakır oo lagu yaqaano in shirikaadkiisa ay xiriir ganacsi oo qoto dheer ay la wadaagaan maamulka yuhuuda.
Kooxaha Xuuthiyiinta Yaman ayaa markabkan ku ekeeyey gantaalo xoogan oo nuuca ballistic-ga ah, waxaana u hirgashay iney warbaahinta lawadaagaan magiciisa iyo halka laga leeyahay.
Waxa hada sina la isku qabadsiin la’ayahay fashilka siyaasadeedna dhaxda ka istaajiyey xukuumada Erdogan ayaa ah, in horay uu u shaaciyey in xiriirkii ganacsi ay u jareen kayaanka sahaayinada, 14 bishana November-na uu dhanka kale sheegayba iney gabi ahaanba soo afmeereen cilaaqaadkii kala dhexeeyey maamulka isugu yeera Israel, talaabadii midaas xigtayna ay noqotay in la weeraray oo ay kaamirooyinku soo qabteen markab aan xogtiisa soo xusnay, waana talaabo ku susineysa Laba wajiilanimada dhabta ah ee Turkiga.
FAAFREEB PRO