Sida ay sheegtay kooxda ridada Soomaaliya, heshiis laba geesood ah ayaa markale dhexmaray kooxda ridada Soomaaliya iyo dowladda Turkiga kaasoo ku qotoma inuu Turkiga boobo Kalluunka ku jira Badda Soomaaliya.
Heshiiskaan xaaraanta ah ayaa kooxda ridada Soomaaliya waxaa usaxiixay wasiirka Kalluumeysiga ee kooxda ridada Soomaaliya murtad Axmed Xasan Aadan, halka dowladda Turkiga ay ka socotay shirka lagu magacaabo (OYAK) oo laga leeyahay dalkaasi.
Qodobada ku xusan heshiiskaani ayaa waxaa kamid ah inay shirkada Turkiga ka socoto ay qaadaynayso qeyb kamid ah dhaqaalaha kasoo xaroonaya Kalluunka Soomaaliya.
Wasiirka Kalluumaysiga kooxda ridada ayaa sheegay in heshiiskaani ay ka helayaan mashaariic lagu hormarinayo kalluunka Soomaaliya taas badalkeedana shirkada Turkiga ay maamuli doonto dhaqaalaha kasoo xaroonayo Kalluunka Soomaaliya.
Ma ahan markii ugu horeeysay ee kooxda ridada Soomaaliya ay heshiisyo nuucaan oo kale ah la gasho Turkiga kaasoo loogu gacan-galiyey inuu boobo kheyraadka dhex-ceegaaga Badda Soomaaliya, iyadoo horay ugu saxiixday Turkiga inuu qaato shidaalka Soomaaliya ku jira.
Horaantii sanadkaan ayey ahayd markii kooxda ridada ee Xasan Gurguurte ay heshiis Kalluumeysi ah la gashay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha, waxaana heshiisyadaan ku biirayaan boob xooggan oo dowladdaha shisheeye ku hayaan kheyraadka Soomaaliya.