Trump oo Wajahaya Su’aalo Badan oo la Xiriira Caafimaadkiisa, Isagoo ku Jira Xaaladii ugu Liidatay.

Sep 5, 2025

Wargeyska Time ayaa daabacay warbixin ku saabsan muranka sii xoogeysanaya ee ku saabsan caafimaadka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, waxaana lagu waramayaa inuu jiro shaki badan oo ku saabsan xaaladdiisa jireed iyo tan maskaxeed taasoo dhalisay walaac ballaaran oo ku sii dhax baahaya bulshada Maraykanka.

Waxay shakiyadan soo shaac baxeen kadib markii baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in Trump uu ku dhow yahay inuu geeriyoodo ama xaaladdiisu caafimaad ay si weyn hoos ugu dhacday waxqti aanan fogeyn.

Kadib soo ifbixidii xogahaas ayuu wargeysku sheegayaa in Donald Trump uu si degdeg ah u qabay shir kaasoo ka dhacay gudaha aqalka cad si uu u muujiyo inuu weli firfircoon yahay, balse indhaha shacabka ayaa diiradda saaray muuqaalka iyo xaaladdiisa jirkeed.

Xogta oo sii socota ayaa sheegeysa in sidoo kale ay jiraan talaabooyin madaxa aqalka cad uu qaaday mudooyinkii dambe kuwaas oo muujiyey in caafimaad ahaan uu sii daciifayo ninkan waxaana kamid ah sidii degdega ahaa ee uu Alask uga soo laabtay Trump kadib markii uu la kulmay Putin iyo inuu mardhaweyd ku dhawaad hal todobaad maqnaa oo uusan kasoo muuqan warbaahinta, taasoo la qariibsaday maadaama Trump uu yahay shaqsi warbaahinta hortaagan inta abdan sida dadku ay kaga barteen.

Dhanka kale Waregyska The Telegraph ayaa daabacay warbixin uu ku sheegayo in Trump uu billaabay inuu gacantiisa uu mariyo make-up, si uu saxaafadda uga qariyo isbeddelka ku dhacay, waxaana lasoo darsay xaalad caafimaad oo loo soo gaabiyo CVI, waa xanuun ay xididdadu ku adkaato inay dhiigga dib ugu celiso wadnaha, taasoo ugu dambeyn keenta barar joogto ah.

Arrintaan ayaa dhalisay in shacabka Mareykanka ay bilaabaan su’aalo dhowr ah iyo sida Trump uu uga cararayo in lagu maadeysto si lamid ah sidii uu Biden ku sameyn jiray xilligii uu kursiga joogay.

FAAFREEB PRO