Donald Trump ayaa sheegay in Turkiga uu yahay midka diyaariye wax walba oo ka dhacay Suuriya gadaasha dambana uu ka maamulayey daqiiqadihii ugu dambeysay.
Sida uu ka dhawaajey Trump xilli hadal jeedinayey Anakara uu sheegay in masuul ay ka tahay wax walba oo ku dhacay nidaamkii la riday ee Bashaar Al-Asad uu majaraha u hayey, Turkiguna maanta uu yahay midka gacanta ku haya furaha siyaasada Suuriya waa sida uu hadalka u dhigayee.
“Erdogan waa nin aad u caqli badan hadana xoog badan oo xukunka ka tuuray Asadkii qabsaday Suuriya, qofna ma garanayo natiijada kama dambaysta ah ee Suuriya, laakiin waxaan qabaa in Turkiga uu yahay cidda hadda ku guuleystaya arinkan”ayuu yiri Trump
Midan ayaa waji kale u yeeshay filashada dad badan, waxaana dhanka kale hadalka Trump lagala baxay in Turkigu uu wadan dhan ku afgambiyey qaab ka duwan xeelada Mareykanka ee xooga ah, isagoona raacin wax saadaalin ah oo ku aadan talaabada xigta ee Ankara waxa ay noqon karto, ayey jariiradu leedahay.
FAFREEB PRO