Trump oo Sheegay in Soomaalidu ka Dhaceen Dalkiisa Lacag ka Badan Intii la Filayay.

Jan 6, 2026

Weli waxaa socda ol’ole xooggan oo gadaal uu ka riixayo maamulka saliibiga ah ee Washington, kaas oo si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo Soomaalida ku nool gudaha dalka Maraykanka.

Madaxweynaha dalkaasi Gaal Donlad Trump ayaa mar kale shaaciyey in suuro-gal ay tahay helista xogo dheeraad ah oo muujin kara musuqmaasuq ka ballaaran intii la filayay oo uu sheegay in Soomaalidu ay ka geysteen gobolka Minnesota.

Wuxuu carrabka ku dhuftay in warbixinaha la hayo ay muujinayaan $19 bilyan oo Dollar oo la dhacay, balse lacagta dhabta ah ay gaari karto ilaa $50 Bilyan oo Dollar, maadaama ayuu yiri inta la ogaaday ay ka yar tahay waxa dhab ahaan ka dhacay gobolkaasi.

Waxa kale oo uu sheegay in dadka ku lugta leh musuq-maasuqa ay si toos ah u xadeen canshuur-bixiyeyaasha Mareykanka, isla markaana ay tahay in tallaabo adag laga qaado.

Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka dawladda Maraykanka ayaa si toos ah fadeexado musuqmaasuq ugu eedeeyey Murtad Abuukar Baalle oo ah wakiilka Riddada Soomaaliya u fadhiya urur-gaalleedka la baxay Qaramada Midoobay.

Waxa uu sheegay in Murtad Baalle qayb ka yahay shirkad caafimaad oo ku taalla gobolka Ohio (Ohaayo), taas oo wasiirku sheegay in horey loogu helay fadeexado la xiriira lunsiga lacago dawladda Maraykanku ay bixisay.

Wasiir-ku-xigeenku waxa uu xusay in ay soo wadaan faah faahin dheeraad ah oo ku wajahan eedaymaha dul-hoganaya Wakiilka Riddada Soomaaliya u fadhiya ururka Gaallada Qaramada Midoobay.

Eedaymahan ayaa imanaya iyadoo madaxweynaha Maraykanka Gaal Donald Trump uu saacadihii lasoo dhaafay ku baaqay in dhammaan dadka falalkaas musuqmaasuqqa ah ku lugta leh laga masaafuriyo dalka Mareykanka.