Madaxweynaha dowladda Saliibiyada Maraykanka oo markii ugu horreysay si cad uga hadlay aqoonsiga maamulka gaalo-raaca ah ee Somaliland.
Madaxweynaha Maraykanka Gaal Donald Trump ayaa si toos ah markii ugu horreysay wax looga waydiiyey arrinta aqoonsiga maamulka gaallo-raaca ah ee Somaliland iyo sidoo kale qorshaha la doonayo in lagu barakiciyo muslimiinta reer Qaza iyadoo loo rarayo deggaannada waqooyiga Soomaaliya.
“Ma jiraan warar sheegaya in Somaliland ay daneyneyso inay qaabisho dadka reer Qaza haddii aad aqoonsato madaxbanaanidooda?” ayay la waydiiyey Donald Trump mar uu xalay wax lagu sheegay heshiis nabadeed uu u kala saxeexayay madaxda labada waddan ee Asarbajan iyo Arminiya oo muddo dheer dagaallo ba’an iyo muran siyaasadeed ka dhex socday.
Trump ayaa isagoo su’aashaasi la waydiiyey ka jawaabaya waxa uu yiri:
“Aad baad u mahadsantahay, waa su’aal wanaagsan runtii, waan eegaynaa taas hadda, waana arrin kale oo adag, laakiin hadda waan ka shaqaynaynaa arrinta Somaliland.” Ayuu Donalad Trump kaga jawaabay su’aasha la weydiiyey, xilli uu ku gudo-jira shir-jaraa’id oo xalay uu ku qabtay aqalka cad ee looga arrimiyo dowladda Saliibiyadda Maraykanka.
Waa markii ugu horreysay ee gaal Donald Trump uu si cad uga hadlo arrinta maamulka daba-dhilifka ah ee Somaliland, isagoo muujiyey xiisaha uu su’aashaasi u qabay, isla markaana war-celintiisu ay bannaanka keentay sida uu u danaynayo arrinta Somaliland iyo ictiraafkeeda.
Hadalkan ayaa saacadihii lasoo dhaafay warbaahinta caalamku aad u hadal-haysay, gaar ahaa war-fidiyeennada ugu afka dheer maamulka Yahuudda. Waxaanay arrintani kusoo aadaysaa xilli khamiistii lasoo dhaafay uu wargeyska caalamiga ah ee Financial Times uu daabacay warbixin ay saacadihii lasoo dhaafay aad u faafinayeen wargeysyada Yahuuddu oo ka hadlaysa qorshe ay dejisay shirkad fadhigeedu yahay Maraykanka oo la yiraa Boston Consulting Group oo lagu barakicinayo muslimiinta reer Falastiin iyadoo loo rarayo deggaanno ay warbixintu ku kala sheegtay Somaliya iyo Somaliland.