Madaxweynaha dowlada saliibiyada ah ee Mareykanka Donald Trump ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay xabbad-joojin ku meel-gaar ah oo la dhex dhigay Yahuuda iyo Shiicada Iran, taasoo timid kadib toddobaadyo dagaallo xooggani ay dhex-marayeen labada dhinac.
Trump ayaa qoraal uu saakay ku daabacay bartiisa baraha bulshada ku sheegay in xabbad-joojintu ay dhaqan-gashay, isla markaana uu ku baaqay in aan la jabin. Waxaanu hadalkani yimi daqiiqado kadib markii Iiraan saaka ay weerarro duqayn ah kula jarmaadday aagagga ay Yahuuddu ku sugan yihiin.
Sidoo kale Trump ayaa saacad ka hor inta uusan ku dhawaaqin xabbad-joojintan bartiisa baraha bulshada ku sheegay in Yahuuda iyo Iiran ay si isku mar ah ula soo xiriireen iyagoo leh ayuu yiri “NABAD ayaan rabnaa” taasoo uu ku tilmaamay fursad taariikhi ah oo aan la seegi karin.
Ku dhawaaqista xabbad-joojintan waxay timid iyadoo xalay ay dowladda shiicada Iran duqeysay saldhigyo militari oo ay ciidamada saliibiyiinta Mareykanku ku leeyihiin gudaha Qatar iyo Iraq, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday xarumo sirdoon iyo saldhigyo diyaaradeed, inkastoo aan weli la xaqiijin khasaaraha dhabta ah.
Dagaalka u dhexeeya Yahuuda l iyo Iran oo socday muda 12 maalin ah ayaa qarxay kadib markii yahuudu beegsadeen xarumo milatari iyo sirdoon oo ku yaalla dalka Iiran taasoo jawaab ahaan ay Iiraab bilowday weerarro gantaallo ah oo toos ah oo lala eegtay dhulka ay Yahuuddu xoogga ku heysato.
Qasaaraha baaxada leh ee weerarradaasi aar-goosi ah kasoo gaaray Yahuuda ayaa la sheegayaa in ay sabab u noqdaan ku dhawaaqista heshiiska xabbad-joojinta dag dag ah taasoo hada uu Trump ku dhawaaqay isagoo hadalkiisii kusoo gabgabeeyay “Tani ma ahan kaliya heshiis militari, waa tallaabo muhiim ah oo lagu joojinayo dhiigGa Yahuuda ay daadanaya.”
Maamulka Yahuudda ayaa goor hore oo saaka ah si rasmiya u xaqiijiyay in ay sharuud la’aan oggolaadeen heshiiska xabbad-joojinta, inkastoo goor dambe oo gelinkii hore ee maanta ah uu wasiirka difaaca Yahuuddu shaaciyey in xabbad-joojintaasi ay Iiraan jabisay, isla markaana uu ciidankiisa ku amray inay jawaab deg-deg ah ka bixiyaan.
Shiicada Iiran ayaa dhankeeda ilaa iyo hadda aan xaqiijin inay dhaqan-galineyso Xabad-joojinta uu Trump ku dhawaaqay, isla markaana war rasmiya oo uu baahiyey telefishanka Iiraan lagu beeniyey eedaymaha kasoo yeeray Talaabiib, golaha sare ee amaanka ee Iiraan ayaana sheegay in xabad joojintan ay ntahay mid hal dhimac ah oo ayka timid dhanka Yuhuuda iyo Mareykanka, iyagana ay wali diyaar u yihiin dagaalka.
Maalmaha iyo saacadaha soo socda ayaa noqon doonta kuwo go’aamiya mustaqbalka xiisaddan, iyadoo dunidu ay si weyn indhaha ugu hayso dagaalkaan, xilli Mareykanka qudhiisu uu kusoo biiray dagaalka oo uu dhawaan duqeeyey xarumo ku yaalla gudaha dalka Iran.