Trump oo Isku Shaandheyn Balaaran ku Sameeyey Sarakiil Muhiim ah .

May 3, 2025

Trump ayaa isku shaandheen balaaran ku sameeyey qaar ka mid ah saraakiisha ugu sareysa, kadib fashilkii uu la kulmay 100-kiisa maalin ee ugu horeeya xafiiska.

Sida ay nashrisay majalda Politico, Donald Trump ayaa saacadihii lasoo dhaafay xukuumadiisa ku sameeyey isku shaandheyn balaaran isagoona xilka ka qaaday la-taliyihiisa amniga Mike Waltz iyo ku-xigeenka Alex Wong.

Trump ayaana xilkan la taliyaha amniga u magacaabay Marco Rubio oo ahaa xog-haya arrimaha dibadda Mareykanka, Mike Waltz ayaa isagana loo magacaabay safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, taa oo ka dhigan in laga fogeeyay Aqalka Cad ayna tahay qorshe uu wato Trump sida jariiraduba ay xuseyso.

Dhanka kale saadaalino soo baxaya ayaa sheegaya in booskii Rubio ee ahaa xog-haya arrimaha dibada loo magacabi karo Steve Witkoff oo hadda ah ergayga gaarka ah ee Trump u qaabilsan umuuraha bariga dhexe iyo wada-xaajoodyada Ruushka, sababtuna waa in hadda wuxuu ku lug leeyahay dhammaan dhacdooyinka ugu muhiimsan ee arrimaha dibadda iyo diblomaasiyadda Mareykanka.

Gunaanudkii dhowr sarkaal oo kale oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa sidoo kale la filaya in xilka la qaado maalmaha soo aadan, waana sida ay sheegeyso saxiifada warbixintan daabacaday ee Politico.

FAAFREEB PRO