Trump oo Hakiyay Canshuurti uu Saaray Badeecadaha Canada iyo Mexico.

Feb 4, 2025

Sida uu daabacay joornaalka The Financial Express iyo kuwa kale oo kasoo baxa qaarada yurub madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hakiyay canshuur-kodhinti uu saaray badeecadaha ay Canada iyo Mexico u soo dhoofiyaan Mareykanka, taasoo gaareysay ilaa boqolkiiba 25%.

Xogta ayaa intaasi ku dareysa in go’aanka Trump uu yimid kaddib marki uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Mexico haweeneyda lagu magacaabo Claudia Sheinbaum iyo Ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau ee xilka iska casilay balse wali badiilkiisa lagu maqanyahay sidaasina howsha ugu sii wada qaab ku meel gaarnimo ah.

Madaxa xukuumada Washington ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X waxa uu ku xaqiijiyey arinkan, isagoona dhanka kale tibaaxay in muddo 30 maalmood ah uu hakiyey cashuurtii uu kusoo rogay dalalkan si uu u arko in la gaari karo heshiis dhaqaale oo kama danbeys ah.

Xogaha qaar ayaa intaasi ku daraya in Mareykanku uu u baqay masiirkiisa dhaqaale ee wadamadan, maadaama markii maalmo ka hor Trump uu sheegay iney canshuur gaareysa ilaa 25% uu saaray Canada iyo Mexico ay iyaguna sheegeen iney qaadayaan talab ka balaaran midaas oo ka dhan ah dowladdan sheegatay quwada caalamka.

FAAFREEB PRO