Trump oo Doonaya in Ciidanka uu ka Saaro Ilaa 15 kun oo Askari.

Nov 27, 2024

Joornaalada Metro, The Independent iyo  The Times oo daabacay warbixin ay kaga hadlayaan Donald Trump oo la filayo marka uu xafiiska yimaado inuu ciidanka Mareykanka qeybihiisa kala duwan uu ka saaro ilaa 15 kun oo askari.

Arinkan ayaa lagu waramayaa in kaliya uu saameyn ku yeelan doono askarta faraha badan ee badalka ku sameeyey abuurkooda galayna qaliinada Transgender, sida in qof dumar ahaa uu isku badalo rag halka qofkii raga Ahaana uu dumar isku badalo.

Dhanka kale warbixinadu waxay tibaaxayaan in ninkan uu doonayo in saacadaha soo aadan uu soo saaro sharci ka mamnuucaya inay ciidanka ku biiraan ragga iyo dumarka isku aqoonsada jinsigooda inay beddeleen.

Tani waxay amakaag la noqotay shaqsiyaadkan badalay jirkooda ee kamid ah ciidanka Mareykanka,
waxayna midan dabcan kusoo beegmeysaa xilli Ameerikaanka kamidka ah guruubka LGBTQ+ ay wadnaha farta ku hayaan tan iyo dib u doorashadii Trump, maadaama dadka falalkan lagu tuhmo iyo soogalaatiguba uu sheego iney yihiin Target-kiisa ugu horeeya.

FAAFREEB PRO