Trump oo Dhawaan ku Dhawaaqi Doonaa Xabad Joojin ka Dhacda Ukrain, Hadaba Sidee Ayey Kyev u Aragtaa Midan?

Apr 23, 2025

Trump ayaa qorsheynaya inuu maalmaha soo aadan uu ku dhawaaqo xabad joojin ka dhacda Ukrain, si uu u sheegto mudnaanta midaas 100-kiisa maalin ee ugu horeysa xafiiska.

Sida uu nashriyey joornaalka Newweek madaxaweynaha Mareykanka ayaa 30 bishan aynu ku gudo jirno ee April qorsheynaya inuu ku dhawaaqo xabad joojin rasmi ah oo soconeysa muddo 30 maalmood ah oo ka dhax dhacda xukuumadaha Moscow iyo Kyev.

Trump ayaana lagu waramayaa in markaas uu doonayo inuu si aad ah ugu faano maalinka uu afka ka xiro boqolkiisa maalin ee ugu horeysa xafiiska aqalka cad, si lamid ah heshiiskii Qaza ee burburay oo uu sheegto inuu isaga yahay midka soo dabaaaliyey kadib guushiisii doorasho November 2024.

Xogta ayaa intiisi ku dareysa in talaabadan aysan u muuqan mid si dhameystiran ay ugu qanacsantahay dowladda Ukrain, walow Zalanesky midan u arko fursad kabasho yar ay ku sameyn karto xukuumadiisa hadana reer yurub ayaa cadaadis xoogan saaraya madaama yoolkoodu uu yahay in Ruushka si dhameystiran arrinkiisa meel loogu soo xiro si abadi ahan loo soo afmeero colaada taagan maadaama ay ku kharash beeleen.

FAAFREEB PRO