Ugu yaraan 2 qof ayaa dhintay, 8 kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo culus kadib toogasho habeennimadii xalay ka dhacday jaamacad ku taalla magaalada Providence ee gobolka Rhode Island ee dalka Maraykanka.
Sida la xaqiijiyey toogashadan waxaa geystay nin hubaysan, kaas oo goobtaasi ka baxsaday markii uu fuliyey falkaasi sida duqa magaaladu uu warbaahinta u sheegay. Isagoo intaa ku daray in Bandow lagu soo rogay agagaarka jaamacadda uu weerarku ka dhacay.
Booliska magaalada Providence ayaa carabaabay in ay jiraan dhaawacyo badan oo ka dhashay weerarkan lagu beegsaday jaamacadda. Iyadoo qaybo ka mida warbaahinta Maraykanku ay sheegeen in ilaa 20 qof ay weerarkaasi ku dhaawacmeen.
Weerarkan ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay madaxweynaha dawladda saliibiyadda Maraykanka Gaal Donald Trump, ayaa sheegay in weerarkaasi ahaa mid aad u xun isla markaana dhaawacyada soo gaaray dhibbenayaashuna ay yihiin kuwo garaab ah.
Jaamacaddan oo lagu magacaabo Brown University ayaa la sheegaa inay ka mid tahay jaamacadaha heerkoodu sarreeyo ee dalka Maraykanka, waxayna ka tirsan tahay 8 jaamacadood oo caan ku ah waxbarashada tayada leh, waxaana wax ka barta ku dhawaad 11,000 oo arday.a