Xiisada Suudaan ayaa sii karaar qaadaneysa iyo tobanaan qof shacab ah oo ku dhintay duqeymo ay maleeshiyaadka RSF ka geysteen suuq kuyaal magaalada Kharduum ee caasimadda Suudaan.
Sida uu daabacay joornaalka Al-Qudus Al-carabiyah waxaa tira beel noqday dhimashada halka dhaawacana uu intaa ka badan yahay kadib duqeyn bahalnimo oo ay maleeshiyaatka Janjawiidka ay ka fuliyeen goob suuq ah oo ku yaala gudaha Khurtuum.
Waxaa inta badan shaqsiyaadka ay waxyeelada soo gaareen sida lagu waramayo lagula cararay isbitaalka Al-Nu oo ku yaala gudaha caasimada, walow qaar badan ay liidato xaaladooda hadana wali waxaa jira tacaalid sida lagu warbixinayo.
Isla arimaha Suudaan ayeynu ku guda jirnaayee wargeyska Al-Rukuuba News oo soo xiganaya Shabakadda Wararka ee Umm Al-Qura News Platform ayaa sheegay in ciidamada Sudaan ay go’doomiyeen saacadihii lasoo dhaafay askar ka tisan kuwa Taageerada degdega ah ee ku sugan magaalada Rafaa ee bariga wadankaasi.
FAAFREEB PRO