Warbixin cusub oo ay daabacday hay’adda caalamiga ah ee The Sentry, oo fadhigeedu yahay dalka Maraykanka isla markaana ku takhasustay baaritaanka siyaasadda iyo dagaallada Afrika, ayaa si qoto dheer u muujisay kaalinta weyn ee ay dowladda Eritrea ku lahayd hurinta dagaalkii sokeeye ee u dhexeeyay TPLF iyo dowladda Itoobiya.
Sida ay warbixintu sheegtay, hoggaamiyeyaasha sare ee Eritrea ayaa si qorsheysan horey uga shaqeeyay abaabulka colaadda, iyaga oo xiriir hoose la lahaa dowladda cusub ee Itoobiya, taasoo markaas khibrad ciidan oo kooban lahayd, ujeedkoodu wuxuu ahaa sida ay sheegtay The Sentry, in si gaar ah loo ciqaabo TPLF.
“Hoggaamiyeyaasha Eritrea waxay door firfircoon ka qaateen abaabulka dagaalka, iyaga oo qorsheeyay in TPLF lagu ciqaabo, isla markaana si hoose ula shaqeynayay dowladda cusub ee Itoobiya oo markaas khibrad yar lahayd,” ayaa lagu yiri warbixinta.
Intii u dhaxeysay 2020 ilaa 2022, warbixintu waxay xustay in ciidamada Eritrea ay fuliyeen bililiqo lagu beegsaday shacabka Tigray, iyada oo la diiwaan geliyay dhacdooyin culus oo ay ka mid yihiin: Boobka dahab, qalab taariikhi ah iyo hanti dadweyne, iyo sidoo kale xadgudubyo ka dhan ah haweenka sida kufsi kooxeed, Jirdil, afduub, iyo tacaddiyo bani’aadamnimo oo ba’an.
The Sentry waxay sidoo kale sheegtay in weli aysan jirin cid loo qaaday mas’uuliyadda khasaarihii bani’aadamnimo iyo midka dhaqaale ee ka dhashay dagaalkaasi.
Warbixinta ayaa ka digtay xaalad cusub oo laga cabsi qabo, iyada oo tilmaantay in Eritrea ay mar kale isu diyaarineyso faragelin milatari, xilli uu burbur ku dhow yahay heshiskaygii Baritooriya.
“Gobolka Tigray wuxuu mar kale taagan yahay dhabbihii dagaal cusub oo laga hortagi karo, waxaa muuqata in markale Eritrea laga yaabo inay si toos ah uga qeyb qaadato colaadda,” ayaa lagu yiri warbixinta.
Warbixintan cusub ayaa dib u iftiiminaysa halista sii kordheysa ee gobolka Geeska Afrika, iyada oo abuuraysa walaac ku saabsan dib u qaraxa colaado hor leh oo saameyn ku yeesha gobolka oo dhan gaar ahaan dalalka deriska la ah Itoobiya iyo Eritrea, sida Soomaaliya, Sudan iyo Djibouti.
FAAFREEB PRO