“Waxaan la yaabanahay halka ay Isreal kusii socoto” waa ciwaanka warbixin uu daabacay joornaalka The Jerusalem Post taasoo diirada lagu saarayo xaalada bulshada yuhuuda iyo sida ay uga quusteen wax xabad joojin iyo in dagaalka Qaza uusoo gabagaboobo ah.
Jooraalka oo soo xiganaya maqaal uu qoray qoraa yuhuudi ah oo lagu magacaabo Sherwin Pomerantz ayaa sheegay, in maamulka yuhuuda uu waayey oo la dilay dhalinyaro badan oo ay ku sheegeen iney ahaayeen kuwii ugu wanaagsanaa jiilkan, ayna ka maqanyihiin maxaabiis fara badan, sidaas oo ay tahay aysan wali muuqan xal laga gaari karo dagaalka socda.
Saxifadu waxay dhanka kale tibaaxeysaa mar hadii la dilay hogaankii sare ee kooxaha muqaawamada Filistiin, ma jirto wax xal nabadeed ah oo soo socda, kooxaha iska caabintana ma jirto qaab looga saari karo gudaha Qaza.
Warbixinta The Jerusalem Post ayaa qeybaha dambe soo bandhigeysa aragtiyo iyo talooyin lagu soo afmeeri karo dagaalka u dhexeeya yuhuuda iyo kooxaha muqaawamada Filistiin, sida in la dhiso gud hor leh oo dhax dhaxaadineed iyo hay’ado caalami ah, maamulka uu hogaamiyo Binyamiin Natanyaahu ayaana u muuqda mid uu si aad ah u gaaray kuleelka dagaalka, xilli dhanka kale fariimaha ka imaanaya dhanka muqaawamada ay marwalba ku lifaaqanyihiin ereyo sahaayinada loogu sheegayo in dagaalku uusan dhawayn gowraca haldoorkooduna uu noqon doono faanoo fari kama qodna.
FAAFREEB PRO