Taliyihii Hore ee Maleeshiyaadka Janjawiidka oo Xarig 20 Sano ah Lagu Xukumay.

Dec 9, 2025

Waxa loogu yeerro maxkamadda dembiyadda aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo ICC ayaa maanta oo Talaado ah xukun xarig ah ku xukuntey tiliyihii hore ee maleeshiyaadka Janjawiidka, ninka lagu magacaabo Cali Maxamed Cali Cabdi Raxmaan.

Ninkan oo da’diisu tahay 76 jir, ayaa lagu eedeeyay in uu door weyn ku lahaa xasuuq iyo isir-sifeyn ka dhacay gobolka Darfuur intii u dhexeysay 2003 illaa 2004, xiligaas oo ay sidoo kale socdeen dagaallo sokeeye.

Maxkamadda ayaa Cali Kushayb ku xukuntey xarig muddo 20 sano ah, taasi oo ay falanqeeyaashu sheegayaan in ay ka dhigan tahay xabsi daa’im ah, maadaama ninkan da’diisa lagu sheegay 76 sano, suuragal-na ay tahay in uu xabsiga ku geeriyoodo.

Si kastaba ha ahaatee, Maxamed Xamdaan Doglo ayaa haatan ku jira booska Cali Kushayb, isagoo xasuuqyo iyo weerarro laayaan ka wada qeybo ka tirsan Suudaan, kuwaas oo ay ku naf-waayeen kumanaan qof, islamarkaana ay ku barakaceen ku dhawaad 13 milyan oo ruux.

FAAFREEB PRO