Qaraxii ka dhacay duleedka degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo waxaa lala beegsaday gaari uu watay Cabaas Ibraahib Gurey, oo ah taliyaha waxa loogu yeero ciidanka Daraawiishta ee maamulka la baxay Jubbaland.
Taliyaha waa uu ka badbaaday qaraxaas, balse waxaa ku dhaawacmay sarkaal uqaabilsanaa dhanka Maaliyadda oo magaciisa lagu soo koobay Af-dawaco.
Ciidamada Mujhaadiinta ayaa xalay weerar ku qaaday xerada WFP ee murtadiintu ku leeyihiin degmada Garbahaarey.