Taliyaha Sirdoonka Riddada ee Gedo oo loo Qabtay 3 Maalmood Inuu Kaga Baxo Beledxaawo.

Aug 6, 2025

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee ka dhacay koonfur galbeed dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in xiisado colaadeed ay markale ka aloogmeen laba degmo oo dhaca xuduud beenaayada.

Kumanaan katirsan maleeshiyaadka maamulka isku magacaabay Jubbaland ayaa soo buux dhaafiyay deegaanno kaabiga ku haya degmada Beledxaawo ee ku dhow xuduud beenaadka Kenya.

Sida lagasoo xigtay dad goob joogayaal ah maleeshiyaadka oo wata gaadiidka Tiknikada ayaa ku sugan deegaan 5Km oo qura jira Beledxaawo halkaas ayeyn ka abaabulayaan duullaan hor leh oo ay ku ekeeyaan maleeshiyaadka kooxda Ridada ee uu wato Cabdirashiid Indha koreey.

Saraakiil katirsan maamulka Axmed Madoobe ayaa odayaasha Dooloow iyo Beledxaawo usheegay in taliyaha sirdoonka kooxda Riddada ee gobolka Gedo uu heysto fursad sedax maalmood ah in uu uga bixi karo Beledxaawo.

Wararka ayaa intaas ku daraya in magaaladan lagu loollamayo ay soo dul degeen illaa laba ciidan oo kasoo kala gurmaday Dooloow iyo Dhoobleey.

Dhinaca kale saraakiil katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya ee ku sugan degmada Dooloow ayaa odayaasha degmadaas ku wargeliyay in ay soo xirayaan Cabdirashiin Indha Koreey haddii uusan sida ugu dhaqsiyaha badan uga bixin gobolka Gedo.

Sidoo kale diyaarado hub iyo ciidan sida ayaa shalay ka degay xerada UK ee banaanka degmada Beledxaawo, diyaaradahaas ayaa la ka yimid dhanka Muqdisho.

Maleeshiyaadka kawada tirsan murtadiinta ayaa doonaya in ay markale ku dul dagaallamayaan shacabka rayidka ah ee ku dhaqan Beledxaawo.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in markale barakac lixaad leh uu ka billaawday magaalada, dad isbuucan dib ugusoo gurya noqday magaalada ayaa markale qax billaabay kadib markii ay dareemeen dhiilooyinka colaadeed ee ku dul hoganaya.

FAAFREEB PRO