Xilli ay soo xoogaysanayso xiisadda ka aloosan waqooyiga Itoobiya ayaa taliyaha guud ee ciidanka Xabashida Itoobiya Janaraal Birhanu Jula uu weerar afka ah ku qaaday jabhadda u dhaqdhaqaaqda xoraynta shacabka Tigreega ee magacooda loosoo gaabiyo TPLF.
Birhanu Jula oo Isniintii lasoo khudbad ka jeediyey munaasibad lagu xusayay dagaalkii uu dhiigga badan ku daatay ee 2020-kii ka dhacay gobolka Tigrey ee waqooyiga Itoobiya, ayaa kooxda TPLF ku eedeeyey in ay wadaan dhaqdhaqaaqyo horseedi kara dagaal hor leh oo mar kale ka qarxa deggaannadaasi.
Waxa uu sheegay in Jabhadda TPLF ay sabab u ahayd dagaalkii labada sano ka socday waqooyiga Itoobiya, kuwaas oo uu ku tilmaamay dhagar-qabeyaal la aasaasay 50-tan sano ka hor oo waajib tahay ayuu yiri in xididdada loo siibo.
Taliyaha ciidamada Itoobiya waxa uu carabka ku dhuftay in TPLF ay ka dambeeyaan dowladaha Masar iyo Eretariya, isla markaana ay tahay koox ku dhisan khiyaano oo lagu abuuray gudaha Itoobiya. Waxaanu tilmaamay in ficillada ay haatan samaynayaan ay doc-faruur iyo xagal-daacis ku yihiin heshiiskii nabadda ee laga gaaray dagaalkii ka dhacay gobolka Tigrey.
Dagaal mar kale dhex-mara TPLF iyo ciidanka Xabashida Itoobiya ayuu Birhanu Jula ku tilmaamay in uu noqon doono mid lagu jabiyo kooxda TPLF, khasaarana lagu gaarsiin doono shacabka Tigrey, waxaanu yiri “Dagaalkaasi hadii uu dhaco kooxda TPLF way carari, dadka Tigreygana waa la wax-yeelleyn. Taasi waa wixii aan dagaalkii hore kusoo aragnay.”
Khudbadda Taliyaha ciidamada Itoobiya oo socotay 40 daqiiqo, ayuu ka sanqariyey in lama huraan ay tahay dagaal mar kale ka qarxa waqooyiga Itoobiya, maadaama ayuu yiri kooxda TPLF ay isbahaysi hor leh la samaysatay Eretariya isla markaana ay taageeri millateri u fidiso maleeshiyaadka amxaarada ee Fano.
Mar uu soo hadal-qaaday dagaalkii 1977-kii dhex-maray Itoobiya iyo Soomaaliya ayuu Birhanu Jula uu qoomamo ka muujiyey, isagoo dagaalkaasi ku tilmaamay in aanu mudnayn in la xuso. Waxaanu yiri “Xilligii uu Siyaad Barre nasoo weeraray ma mudna in aan xusno. Ma aha in aan dhahno Siyaad Barre ayaa nasoo weeraray. Waxaan xusaynaa maalinta guusha. Runtii, maalinta guusha ayaa xusid mudan.”
Saddex sano ka hor ayay ahayd markii dagaal lagu hoobtay oo socday muddo labo sano ah uu waqooyiga Itoobiya ku dhexmaray ciidanka Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka TPLF, kaas oo galaaftay nolosha in ka badan 600,000 (Lix boqol oo Kun) oo qof, halka tirakoobyada qaarna ay tilmaamayaan in dhimashadu ay gaarayso ilaa 800,000 (Sideed Boqol oo Kun) oo qof. Iyadoo khasaaraha hantidana lagu sheegay in ka badan 28 Bilyan oo dollar.