Taliyaha Cusub ee AFRICOM iyo Dharxbaaxadii uu Kala Kulmay Manda Bay.[WARBIXIN]

Aug 6, 2025

Janaraal Dagvin Anderson oo dhawaan uu Donald Trump u magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada Maraykanka ee qaaradda Afrika ayaa markii ugu horeysay la shaaciyey in caqabad iyo imtixaan culus uu kala kulmay weerarkii ciidamada mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga Mareykanka ee Manda Bay ee dalka Kenya.

Weerarkan oo dhacay 2020-kii, laguna laayay askar fara badan oo Maraykan iyo Kenyaati isugu jirta ayaa lagu soo warramayaa in taliyahan cusub ee AFRICOM uu xilligaasi taliskan xil ka hayay, isla markaana uu ahaa taliyaha ciidamada gaarka ah ee loo yaqaan Special Operations Command Africa (SOC-Africa), oo hoos-taga AFRICOM, sida ay shaacisay warbaahinta Faransiiska ee The Africa Report.
“Waxaa imtixaan ku noqday weerarkii Janaayo 2020 markii dhowr iyo toban dagaalyahanno Al-Shabaab ah, oo aad u tababaran, go’aan iyo anshax fiican leh, si wanaagsanna loosoo agaasimay ay weerareen saldhigga Mareykanka ee Manda Bay ee dalka Kenya…” ayaa lagu yiri warbixinta The Africa Report.
Warbaahinta Faransiiska ayaa sheegtay in baaritaan ay Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanku ku samaysay weerarkan ay ku qiratay in fashil iyo fadeexad dul-hoganaysa taliska ay mujaahidiinta beegsadeen ee Manda Bay maadaama ayay tiri taliskaasi uu ka baxay saldhig tababar una gudbay xarun qaabilsan ka hortagga dagaallada iyo saldhigga ciidamada cirka.
Pentagon-ka ayaa caradii ay ka qaadeen hawl-galkii ay mujaahidiinta cagta ku mariyeen taliska Manda Bay, diyaaradaha badanna ku gubeen, waxay ceebayn iyo cambaarayn kala dul-dhaceen saraakiishii iyo ciidamadii ku sugnaa taliskaasi, kuwaas oo ay tilmaameen in habayacsanaan badani ay ka muuqatay, feejignaantooduna aad u hoosaysay.
Sidoo kale wasaaradda difaaca Maraykanku waxay ka shanqarisay inuu aad u liitay heerka xakamaynta xeeladaha, kormeerka, qiimaynta khataraha iyo sidoo kale heerka hawl-galkuba, isla markaana ciidamada Amerikanka ee xerada joogay ay ahaayeen kuwo aan si fiican loo diyaarin.
The Africa Report waxa kaloo ay sheegtay in Gen. Anderson uu sidoo kale hogaamiyay Joint Task Force-Quartz, oo ah hawl-gal millateri oo 2020-kii ciidamada Maraykanka lagaga raray Soomaaliya, kaas oo in ka badan 13,000 askari Mareykan ah laga daabulay Soomaaliya loona wareejiyay dalal kale oo Bariga Afrika ku yaal dhammaadka muddo-xileedkii hore ee Trump.
Golaha aqalka sare ee baarlamaanka Maraykanka ayaa khamiistii lasoo dhaafay cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabista Madaxweyne Donald Trump ee taliyaha ciidamada Maraykanka ee qaaradda Afrika Gen. Dagvin Anderson.
“Guusha uu Maraykanku ka gaaray tababarka maleeshiyaadka Danab aad bay u yar tahay…” ayuu Gen. Anderson, kaga jawaabay su’aal ku saabsanayd aragtidiisa joogitaanka ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya, taas oo uu weydiiyey Senator Jack Reed, oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga.
Warbixintu waxay xustay in jarista Trump ee dhaqaalihii Maraykanku siin jiray Afrika ay walaac ka abuurtay qaaradda, Andersonna uu sheegay inuu raadin doono habab kale oo dalalkaasi loo macaamili karo. iyadoo cunaqabataytani ay kusoo aadayso ayay tiri warbixintu xilli jihaadiyiintu ay isku fidinayaan dalalka Saaxilka iyo Soomaaliya.
“Mid ka mid ah walaacyada ugu waaweyn ee aan qabno waa inaan helno kheyraad iyo xiriir ku filan si aan u fahanno sida khatarahan ay u socdaan,” ayuu yiri taliyaha ciidamada Maraykanka ee AFRICOM Gen. Dagvin Anderson.
Warbaahinta The Africa Report waxay kaloo ay ka dhawaajisay in Pentagon-ku uu doonayo inuu sii qoto dheereeyo iskaashiga uu la leeyahay Somaliland, waxaanu yiri Gen. Anderson isagoo arrintan ka hadlaya “Waxaan u maleynayaa inay dan noo tahay inaan in aan yeelano heer iskaashi oo gobolkaas ah”.
Sidoo kale Anderson wuxuu soo hadal-qaaday kooxda ridada ee Villa Soomaaliya iyo weliba maamul-goboleedyada waxaanu yiri “Haddii ay tahay dowladda federaalka ama dowlad-goboleedyada, waa arrin aan qiimeyn lahaa haddii la ii ansixiyo.”
Warbixintu waxay hoosta ka xariiqday in xilli Maraykanku uu Maraykanku la daalaa-dhacaayo dagaalka uu kula jiro jihaadiyiinta isla markaana uu ka dhigay mudnaanta koowaad ee AFRICOM, ayaa Anderson uu bidhaamiyey inuu arkayo khatar millatari oo sii kordheysa oo kaga soo wajahan dhinaca Shiinaha.
“Waxaan ka walaacsannahay in ballaarinta joogitaanka amniga ee Shiinaha ee Afrika ay xaddidi karto xorriyadda marinka iyo ganacsiga adduunka ee maraya khadadka istiraatiijiga ah ee badda,” ayuu Anderson kaga jawaabay su’aal khusaysay danaha Maraykanka iyo Shiinaha ee qaaradda Afrika.
Markii ay dhaliilayaasha Trump weydiiyeen goynta dhaqaallihii Mareykanka iyo haddii Shiinaha iyo Ruushku buuxin doonaan booska uu ka baxo Mareykanku ee qaaradda Afrika, Anderson wuxuu si taxaddar leh uga fogaaday inuu haba yaraatee wax dhalleecayn ah u soo jeediyo Donald Trump.