Taliyaha guud ee ciidamada saliibiyinta Uganda, gaalka lagu magacaabo General Muhoozi Kainerugaba, ayaa si adag u cambaareeyay ciidanka saliibiyiinta Kenya, isagoo sheegay inay ku guul dareeysteen howlgalada ay u joogan dalka Haiti.
General Muhoozi ayaa qoraallo uu ku daabacay bartiisa rasmiga ah ee X ku sheegay in ciidamada Booliiska Kenya ay ku guuldarreysteen hawlgalka, isaga oo ku faanay in ciidamadiisa Uganda ay hal bil gudaheed ku qabsan lahaayeen caasimadda Port-au-Prince, wuxuu intaas ku daray in ciidanka saliibiyiinta Uganda (UPDF) ay diyaar u yihiin inay “badbaadiyaan” ciidamada Kenya haddii loo baahdo.
“Kenyaanku waa ay guul-darreesteen 2 sano ka dib…taasi waa waxa aan filaynay. ayuu yiri Gen Muhoozi ” waxa uu sidoo kale yiri “waxay nagu qaadanaysaa hal bil inaan qabsano Port-au-Prince (caasimada Hait).
Hadalka Muhoozi ayaa yimid xilli hawlgalka ay hoggaaminayaan ciidamada Kenya uu dhawaan u dabaaldegay sannad-guuradiisa koowaad, kadib markii ay sheegeen inay dib u soo celiyeen goobo muhiim ah sida garoonka diyaaradaha, isbitaallo iyo iskuullo ku yaalla Port-au-Prince. Dowladda Kenya ayaa bishii May u dirtay Haiti ilaa 800 askari oo booliis ah si ay u caawiyaan ciidamada Haiti ee la dagaallamaya kooxaha hubeysan ee dalkaasi ka arrimaya.
Dhanka kale, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa dhawaan ka digay in xaaladda amniga ee Haiti ay kasii dari karto haddii aan la helin taageero dheeraad ah iyo agab ku filan. Wuxuu sheegay in inkastoo guulo la gaaray, haddana natiijooyinka hawlgalka ay noqon karaan kuwo aan waarin haddii caawimaad la’aan lagu sii wado, hadalka Muhoozi iyo digniinta Qaramada Midoobay ayaa yimid iyadoo howlgalka MSS uu haatan marayo xilli xasaasi ah, iyadoo tirada dhimashada iyo xadgudubyada dadka rayidka ah ay sii kordhayaan.
General Muhoozi, oo sidoo kale ah wiilka Madaxweyne Yoweri Museveni, ayaa Sanadkii 2022, wuxuu ku sheegay qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada in ciidamada Uganda ay labo toddobaad ku qabsan karaan Nairobi, taas oo keentay inay dowladda Uganda ka bixiso raalligelin rasmi ah.