Taliyaha Ciidanka AFRICOM iyo Saraakiil American ah oo ka Degay Magaalada Hargeysa.

Jun 19, 2025

Taliyaha Ciidanka AFRICOM Micheal Langley ee Mareykanka iyo saraakiil kale oo American ah ayaa maalintii shalay ahayd ka degay magaalada Hargeysa ee xarunta u ah maamulka Somaliland.

Warbixin ka soo baxday maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in Hargeysa ay martigalisay wafti sare oo ka socda dalka Mareykanka 18 June oo maalintii shalay ahayd.

Waftigan ayaa waxa hoggaaminayey ninka lagu magacaabo Richard Riley oo ah ambassadorka Soomaaliya u fadhiya Mareykanka.

Waftigan oo heerkoodu sarreeyay ayaa waxay Soomaaliland kala hadleen dekedda Berbera iyada oo warar hoose ay sheegayaan in Soomaaliland waxa ugu weyn ee ay rabto oo ah aqoonsiga ay kala hadashay waftigan.

Saraakiishan Ameerikaanka ah ayaa sidoo kale waxay wararku sheegayaan in ay booqasho ku tageen magaalo xeebeedda dekedda leh ee Berbera.

Waa markii koowaad oo ay Soomaaliland ay yimaaddeen tiro intaa le’eg oo ciidamo Mareykan ah.

Madaxweynaha Soomaaliland murtad Cirro oo dhawaan ku sugnaa dalka Kenya ayaa sheegay in Soomaaliland u soo socdaan waxyaabo muhiim ah taas oo uu xusay in haddii ay yimaaddaan in aan Soomaalidu la yaabin.

Soomaaliland waxa ay marhore Mareykanka la wadaagtey in uu saldhig ka samaysto dekedda Berbera taa beddelkeeda uu aqoonsi siiyo.

Tan ayaa imanaysa xilli dhawaan uu madaxweynaha kooxda ridada ka dhawaajiyey in ay jiraan dalal doonaya in ay Soomaaliya kala gooyaan.

Gurguurte ayaa baaq u direy dalalkaas oo aanu magac dhabin kuwaas oo uu ugu baaqey intii ay dalka kala jari kahaayeen in ay midnimadiisa kala shaqeeyaan.