Taiwan oo Dhanka Mareykanka ka Heshay Saanad Ciidan oo Cusub.

Dec 16, 2024

Warbixin uu nashriyey joornaalka Al-Sharqul Awsat ayaa ka hadleysa Taiwan oo heshay qeybtii ugu horeysay kaalmadii militari ee uu Mareykanku dhawaan u balanqaaday.

Jaziirada Taiwan ee uu Shiinuhu sheegto ayaa dhanka Washington saacadihii lasoo dhaafay ka heshay ilaa 38 taangiyada dagaalka ee Abrams kuwaas la sheegay iney yihiin kuwa oo casri ah oo awooda iney galaan dagaalada xoogan, waana taangiyada ugu culus caalamka marka laga hadlayo xaga miizaanka.

Wasaaradda Difaaca Taiwan ayaa sidoo kale sheegtay in ilaa 108 xabo oo Taangiyada M1A2 ay soo gaareen saacadihii lasoo dhaafay, kuwaas oo uu Mareykanku u balanqaaday sanadkini 2019 ilaa waqti xaadirkana ay sugayeen.

Jaziiradan loolanka xoogan uu kala dhexeeyo Shiinaha ayaa mudooyinkan dambe si aad ah isku qalabeyneysa waliba iyadoo kaashaneysa Mareykanka iyo xulafadiisa gaarka ah, Beijing ayaana dhankeeda waayahn dhaq dhaqaaq xoogan ka wado dhanka hawada iyo badda Taiwan, waxaana saacad walba filasho loogu jiraa qarxiga dagaal qaraar.

FAAFREEB PRO