Kadib kulamo saacado badan qaatay oo magaalada Dimishiq ay ku yeesheen hoggaanka xoogagga Sunniga ee ku guuleystay in ay ridaan nidaankii Bishaar Al-Asad ayay ku magacaabeen R/wasaare cusub oo kumeel gaar ah kaasi oo soo dhisi doono xukuumad dalka maamusha.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Axmed Alsharci oo ah hoggaamiyaha golaha melleteriga howlgalkii Radcul Cudwaan.
R/wasaaraha cusub ayaa laga dhigay nin lagu magacaabo Max’med Albashiir oo xubin ka ahaa guddiga siyaasadda ee kooxaha mucaaradka.
Wuxuu soo noqday Madaxa waaxda qalabka iyo sahayda ee gaaska shirkadda Gaaska Suuriya iyo shaqooyin kale sanadkii 2011 ka hor intii uusan ku biirin kooxaha mucaaradka.
Bilihii ugu dambeeyay ayuu ahaa madaxa xukuumadda badbaadada ee deegaannada waqooyiga Suuriya gaar ahaan gobolka Idlib.
Saacadihii laso dhaafay ayuuna sidaas ku noqday R/wasaarihii ugu horreeyay ee Suuriya ay yeelato 53 sano kadib markii lariday nidaamka qoyskii Al-Asad ee Mujrimiinta ahaa.