Dalka Suudaan gaar ahaan deegaanno dhaca magaalada caasimadda ah ee Al-Khartuum ayaa lasoo warinayaa iney ku dhufteen daadad xooggan, kuwaas oo sababay barakaca boqallaal qoys.
In ka badan 500 oo qoys ayaa isaga barakacay deegaanka Wud Ramli oo dhaca woqooyiga magaalada Al-Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan, kadib daadad xooggan oo ku fatahay deegaanka.
Wariyayaal ku sugan mandiqadda ayaa waxa ay soo tabinayaan, in biyuhu ay maasheeyeen guryo badan oo ku yaalla mandiqadda, iyagoo intaa ku daray in halista ka jirta deegaanka ay isa soo tareyso.
Tani ayaa kusoo aadeysa iyadoo xukuumadda Suudaan ay goor sii horreysay ka digtay daadad xooggan oo ku dhufta gudaha dalkeeda, kadib markii dowladda Xabashida Itoobiya ay daah furtay mashruuca biyo xireenka An-Nahda, kaas oo ay Suudaan tilmaamtay inuu dhibaato ku yahay dalkeeda.
FAAFREEB PRO