Kadib kulamo xiriir ah oo ay yeesheen madaxda dalalka Ereteriya iyo Suudaan ayay ku dhawaaqeen in ay gaareen heshiis ballaaran oo iskaashi ah arrinkan oo aan ka farxin doonin dowladda Itoobiya.
Kaamil idriis oo ah R/wasaaraha xukuumadda Suudaan ayaa iclaamiyay in dowladdiisu ay heshiis amni iyo mid dhaqaale ay la saxiixatay xukuumadda Asmara, heshiiskan ay labada dal qalinka ku duugeen ayaa dhigaya in ay iska taageeraan arrimaha difaaca,amniga iyo dhaqaalaha.
Madaxa xukuumadda Suudaan wuxuu sheegaya in Ereteriya ay iska kaashan doonaan arrimaha biyaha Badda Cas oo sanadadii dambe uu ka jiray murun xooggan kadib markii ay Itoobiya dhisatay ciidan badeed ayna sheegtay in ay qabsan doonto dekadda Musawac iyo dekado kale oo kuyaal dalka Soomaaliya.
“Waxaan adkeynaynaa in labada dowladood ay iska kaashan doonaan dhammaan dhinacyada amniga,difaaca iyo dhaqaalaha haddii ay ahaan laheyd xiisadaha gobolka ka taagan iyo kuwa caalamiga ah intaba,Ereteriya iyo Suudaan waxay ku heshiiyeen si midnimo leh ay uwajahaan marxaladaha murugsan ee mandiqadda kajira” Ayuu yiri Kaamil Idriis R/wasaaraha xukuumadda dabadhilifka Suudan.
Arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli isbuucii lasoo dhaafay ay xukuumadda Addis Ababa eedaymo culus ujeedisay Asmara ayna cirka iskusii shareereen xiisadaha colaadeed ee labada dhinac udhaxeeya, xiriirka udhaxeeya Suudaan iyo Itoobiya ma ahan mid wanaagsan waxayna isku hayaan dhulka loo yaqaan Alfashaqa waxaana suurtagal ah in Suudaan ay Ereteriya kula daarato xiisadda cusub.