Dibadbaxyadaan oo ay ka qeybgalayaan Soomaalida ku dhaqan magaalada Minneapolis ayaa markale waxay ku muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan howlgalada qab-qabashada ah oo ay wadaan ciidanka (ICE) kaasoo ka socda gobolka Minnesota.
Banaanbaxyadaan ayaa sidoo kale waxaa ka qeybqaadanayey jaaliyadaha kale ee ku dhaqan gobalkaasi Minnesota kuwaasi oo sheegay inay kasoo horjeedaan beegsiga lagu hayo Soomaalida.
Dadka dibaxbaxyada dhigayey ayaa ku dhawaaqayey hal ku dhigyo ka dhan ciidanka Mareykanka ee (ICE), iyadoona sheegayey inay ciidankaasi u geysteen jirdilka, xarigga iyo tarxiil ka dhan ah Soomalida.
Soomaalida dibadbaxyada dhigayey ayaa sheegay inay sii wadi doonaan banaanbaxyadaan ka dhanka dowladda Mareykanka inta ay ka istaagayaan beegsiga Somalida lagu hayo.
Banaanbaxyadaan waxay imaanayaa xilli dhawaan madaxweynaha Mareykanka gaal Trump uu Aflagaado u geystay Soomalida ku dhaqan dalka Mareykanka, isagoona billaabay in la qab-qabto Soomaalida dalkaasi ku sugan islamarkaana lasoo tarxiillo