Siyaasiyiinta Mucaaradka oo Qaadacay Doorashada Kooxda Ridada Soomaaliya.

Dec 25, 2025

Shirjaraa’id oo ay qabteen siyaasiyiinta mucaaradka ridada ee ku sugan magaalada Muqdisho ayey kaga hadleen mowqifkooda ku aadan doorashada ridada ee lagu wado inay Muqdisho ka dhacdo.

Mucaaradka ridada waxay sheegeen inaysan marnaba aqoonsaneen doorashadaasi inay tahay mid aanan sax ahayn, islamarkaana aysan aqbali doonin waxa kasoo baxa.

Waxay intaasi raaciyeen inuu Xasan Gurguurte uu doorashadaasi kaga dan leeyahay inuu sameysto muddo kordhin taasoo ay sheegeen inaysan marnaba ka yeelli doonin arrintaasi.

Hadalka mucaaradka ridada wuxuu kusoo aadayaa xilli saacadaha soo socda Muqdisho ay ka dhici doonaan doorashada deegaanka gobalka Banaadir oo ay soo abaabushay kooxda ridada ee Xasan Gurguurte.