Siyaasi soo Noqday Mushax Madaxweyne oo Sheegay in Dhabihii Afghanistan ay ku Socdaan.

Jan 18, 2025

Murtad Cabdi Aadan Hoosow oo horey usoo noqday guddoomiya gobolka Baay, agaasimaha amniga, wasiirka hawlaha guud ee kooxda ridada Soomaaliya iyo weliba 2022-kii oo uu ka mid ahaa musharraxiintii ku loollamaysay kursiga madaxweynaha ee Villa Somaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay noqon doonto sidii Afganistan oo kale.

Hoosow waxa uu tooshka ku ifiyey sida maamullada ridada Soomaaliya ka jira ay u ragaadisay qabyaaladda, eexda, musuqmaasuqa iyo daba-dhilifnimo uu sheegay inay ka mid noqotay xirfadaha lagu hanto hoggaanka maamullada ridada ee ka jira dalka.

Murtad Cabdi Aadan oo arrimahan ku faah-faahiyey waraysi dhawaan lala yeeshay ayaa ka dhawaajiyey in shuruudda ku xiran ee lagu soo xusho madaxda murtadiinta ay tahay oo kaliya in qofku uu yahay Jaahil aan aqoon lahayn, waxna aan fahmi karin iyo weliba inuu yahay daba-dhilif kaba-qaad ah.

Faro-gelinta dawladaha shisheeye iyo boobka ay ku hayaan gayiga Soomaaliya ayuu siyaasigani tilmaamay in meel xun ay marayso, waxaanu farta ku fiiqay in haddii Soomaaliya sidan kusii socoto ay halis ugu jirto in ay ka baxdo gabi ahaanba khariidadda caalamka, isla markaana ay kala qeybsan doonaan dalalka deriska ah ee sida Xabashida Itoobiya iyo Kenya.

Murtad Cabdi Aadan Hoosow waxa uu carabka ku dhuftay qaabka bahdilka iyo ihaannada ah ee waxa loogu yeero beesha caalamku ula macaamisho madaxdamurtadiinta, isagoo sheegay in sida caruurta oo kale loola dhaqmo, isla markaana yoolka wax-qabadkooduna kusoo ururay oo kaliya meel-marinta iyo hir-gelinta ajandayaasha dalalka shisheeye.

Xilliyada ay gorodda isla galaan madaxda maamullada ridada ayuuna ninkan sheegayaa inay u kala dheereeyaan iyagoo u dacwoonaya shisheeyaha ay daba-dhilifyada u yihiin, isagoo xusay in haba yaraatee aanay xallin karin wixii khilaaf ah ee dhexdooda yimaadda.

Murtad Hoosow waxaa uu welwel iyo walaac xooggan ka muujiyey xaaladaha cakiran ee ka dhex aloosan guud ahaan maamullada kooxda ridada Soomaaliya iyo hab-dhaqanka liita ee murtad Xasan Gurguurte. 

Ninakan ayaa dambayn ka dhawaajiyey in Soomaaliya ay haatan cagta saartay dhabbihii Afganistaan oo kale, isagoo su’aal geliyey masiirka madaxda maamullada daba-dhilifyada waxa uu ku dambayn doono.