Daah ka rogis lagu sameeyey xadiga ay gaarsiisanyihiin sirdoonada yuhuuda ee ku dhax jira gudaha uruurka isugu yeera Xisbullah.
Warbixinu u daabacay joornaalka Newyork Times ayaa lagu sheegay in hay’ada muusaadka yuhuuda ay si aad ah ugu xidideesaneyso gudaha ururuka, xitaa hadii uu dhacay heshiis xabad joojineed oo abadi ah, taasoo lagu tilmaamay in sahaayinadu ay wali doonayaan iney sii kala furfuran haraadiga awooda Xisbusheydaan.
Xogta joornaalka ayaa tibaaxeysa in sahaayinadu ay meel walba oo ka mida ah xarumaha xisbigan shiiciga ah ay ku xiratay kaamirooyin qarsoon iyo aaladaha tanasutka, ayna hadda awood buuxa u leeyihiin iney la socdaan dhaqdhaaq walba oo uu sameynayo xisbiga iyo wada hadalada qarsoodiga ah ee ay sameynayaan hogaankooda sare.
Waxaa gabagabadii lagu waramayaa in yuhuuda sanadkan sii dhamaanaya uu u hirgalay leynta hogaanka sare ururka isugu yeera xisbullah, taasina ay kaalin weyn ay ka qaateen hay’adaha sirdoonka yuhuuda iyagoona si xoogan ugu dhax xidideystay sanadii ugu dambeeyey.
FAAFREEB PRO