Sidee Wargeysyada Yahuudda uga Hadleen Howlgalkii Fashilmay ee Qadar?

Sep 11, 2025

Warbaahinta maamulka Yahuudda ayaa si ballaaran u faafisay warbixinno ku saabsan weerarkii diyaaradaha dagaalka ee sahaayinada ay shalay ku qaadeen magaalada Dooxa ee dalka Qadar kaasoo la doonayey in lala beegsado qaar kamid ah hogaanka kooxaha muqaawmaada Filistiin oo halkaas ku shirayey.

Wargeysyada iyo kanaallada wararka Yahuudda ayaa mar qura baraha Internet-ka kusoo daadiyey xogo isku mid ah oo ay ku muujinayaan farxadooda ku aadan talaabadaan, iyagoo xusay in howlgalka uu ahaa mid taariikhi ah oo si guul ah loogu bartilmaameedsaday hoggaanka sare ee muqaawamada.

Qaar ka mid ah wargeysyada sida Yedioth Ahronoth iyo Maariv oo kale waxay sheegeen in go’aanka weerarkan lagu qaaday uu ahaa mid si degdeg ah ku yimid oo loo baahnaa, maadaama fursadaha nuucan oo kale ah ay yihiin kuwa ay adagtahay in la helo inta badan, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Waxaa sidoo kale lagu waramayaa in xogihii ay baahinayeen warbaahinta yuhuuda kadib markii weerarkan uu dhacay ay qeyb ka ahayd, in diyaarahada fuliye howgalkan hawada sare laaga sii shubay shidaal, taasoo muujineysa heerka buun buunin iyo farxadeed ee ay saacadihii hore ay dhax mushaaxayeen qeybaha kala duwan ee saxaafada gumeystaha.

Hase yeeshee, farxaddaas waxaa mudo yar kadib xigtay xaalad wejigabax oo ay dhaxda ka gashay warbaahinta yuhuuda haba ugu horeeyaan wargeysyada waaweyn, sababtuna waa in fashil uu noqday howgalkii la doonayey in lagu dilo raga ka tirsan kooxaha muqaawamada Filistiin, tani waxay sidoo kale wajiga dhulka ugu jiiday Natanyaahu iyo waziiradiisa oo wabaahinta qoraalo iyo muuqaalo ku qarqiyey daqiiqadihii ugu dambeeyey howgalka, iyagoo ku faanayey iney fuliyeen howgal taariikhi ah.

Waxaa xusid mudan in markii ay xaqiiqada weerarkan ay soo shaac baxday in wargeysyada qaarkood ay bilaabeen iney is buriyaan, waxay marna soo tabiyeen guul marna waxaa ku soo daabacay fashilka howgalka iyo in xitaa uusan geysan khasaare baaxad leh oo maadi ah, arrintani oo ku noqotay warbaahinta Yahuudda dharbaaxo siyaasadeed oo aysan la kulmin mudooyinkaan.

Inkastoo madaxda Yahuudda ay ku dadaaleen in ay ka dhigaan howgalkaan guul istiraatiiji ah oo xambaarsan fariin cabsigelin, haddana xaqiiqda ayaa ahayd in sahaayinada ay markan xakameyn waysay fashilka ku yimid warbaahinteeda, daqiiqada koobana ay isku badaleen shaagashadii guusha iyo farxada waji gabax balaaran.

Ugu dambayn, dhacdadan waxay muujisay kala duwanaanshaha weyn ee u dhexeeya buunbuuninta warbaahinta Yahuudda iyo xaqiiqada dhabta ah, iyo in sahaayinada saxaafadeeda ay had iyo jiir taahy mid xaqiiqada ka gambatay xilliyadan oo kale soona bandhigtay baal nadiif ah oo ay guulo kaliya ku hardhanyihiin iyadoo xaqiiqadu ay midaasi ka fogtahay.