Sidee ayaa looga falceliyey go’aankii uu Trump kaalmada Militari kaga jartay Ukrain? si gaar ahaaneed wargeysyada ugu waaweyn dunida.
• Ugu horeyntii wasaaradda arrimaha dibadda Poland ayaa warsaxaafadeed ay baahisay ku muujisay sida ay uga xuntahay talaabadaan, waxaana lagu yiri “Maraykanku wuxuu go’aansaday inuu joojiyo kaalmada milatari ee Ukraine isagoon la tashan NATO.”
• Dhanka kale wargeyska The Times isagoo soo xiganaya saraakiil Ingiriiska u dhashay ayuu yiri “ Ukrainiyiintu ma qaban karaan shaqo badan taageerada Maraykanka la’aanteed, maaddama Washington ay siiso hubka ugu fiican maanta.”
• Dhanka Politico isaguna waxa uu leeyahay “ Mas’uuliyiinta Ukraine ayaa rumeysan in joojinta kaalmada militariga Mareykanka ay horseedi doonto inay Ukraine ay lumiso dhul hor leh.”
• Wargeyska Financial Times isagoo ka hadlaya argtidiisa ku aadan talaabadaan uu qaadat Trump waxa uu yiri “ Ukraine waxay la kulmi doonto kala doorashada goobaha ay ka difaacayso Ruushka, haddii ay ahaan lahayd garoon diyaaradeed, warshad koronto, ama warshad hubka, sababtoo ah joojinta kaalmada Mareykanka ayaa dhalinaysa inaysan awood u wada yeelan karin inay mar qura wada difaacdo xarumaha muhiimka ah oo idil, jiidaha hore ee dagaalka ayaa sidoo kale laga dareemi doonaa joojinta gargaarka milatari ee Mareykanka.”
• Wargeyska New York Times isagoo xiganaya madaxa Guddiga Arrimaha Dibadda ee Ukraine ayuu isana yiri “Joojinta Trump ee gargaarka milatari waa khiyaano tii ugu darnayd.”
Gunaanudkii Ra’iisul wasaaraha Ukraine mar uu arinkaan ka hadlayey isagana waxa uu yiri “Waxaan ka shaqeyneynaa sidii aan u heli lahayn samaynta hubka ee gudaha Ukraine , hadda waxaan soo saarnaa saddex meelood meel hubka aan isticmaalno, waxaan u baahanahay inan sida ugu dhaqsiyaha badan u gaarsiino 50%.”
FAAFREEB BRO