Ergooyin ka kala socday Shanta wadan ee ku hubaysan madaxyada Nukliyeerka ugu badan caalamka oo ay ku jiraan Ruushka iyo Maraykanka ayaa kulan ku yeeshay magaalada Dubai ee caasimada isku taga Imaaraatka Carabta, iyagoo ka wada hadlay arrimo xasaasi ah oo la xiriira amniga Nukliyeerka.
In kasta oo ay sirta ku xeeran tahay tafaasiisha kulanka, haddana wararku waxa ay tilmaamayaan in dooda ay qeyb ka ahayd badalka uu Ruushka ku sameeyey caqiidadiisa adeegsiga hubka Nulkiyeerka kadib markii uu xoogeystay taagulada reer galbeedka ee Ukrain.
Waxyaabaha kale ee kulankan ka dhacay Dubai looga wada hadalay waxaa kamid ah, gantaalka cusub ee uu Ruushka ugu magac daray Oreshnik, kaasoo jara masaafooyin fog fog Moscow-na ay si aad ah ugu hanjabtay adeegsigiisa kadib markii todobaadyo ka hor uu Biden Kiyev u fasaxay adeegsiga gantaalada ridada dheer.
Warbixinada ayaa gaba gabadii intooda badan sheegaya in reer galbeedka ay ugu dambeyn dan u arkeen in miisaska wada hadalka ay la fariistaan Ruushka, maadaama wax walba ay ugu muuqdeen kuwa faraha kasii baxaya dantuna ay ku jirto wada xaajood hor leh, waa sida hadalka loo dhigee.
FAAFREEB PRO