Shilal Baabuur oo Sababay Khasaare naf iyo Maal leh oo ka Dhacay Qeybo ka mid ah Dalka Itoobiya.

Aug 27, 2025

Sida laamaha ammaanka ee boolisku xaqiijiyeen Laba qof ayaa ku dhintay shil baabuur oo xilli habeen ah ka dhacay degmada Daguna ee gobolka Wolayita oo hoos-taga maamul-goboleedka Koonfurta Itoobiya.

Elias Menta, oo ah taliye-ku-xigeenka booliiska degmada Daguna, ayaa u sheegay warbaahinta Fana in shilku uu yimid kadib markii uu gaddoomay gaadhi xamuul ah oo noociisu yahay Isuzu FSR.

Baabuurkan oo ay ku rarnayd Dibi ayaa kasoo ambabaxay deggaanka Konso, waxaanu ku socday deggaanka Modjo. Waxaana isla goobtii ku geeriyooday darawalkii baabuurka iyo weliba kaaliyihiisii/Kirishboygiisii.

Sidoo kale shilkan waxaa ku bakhtiyey dhammaan Dibidii saarnayd baabuurkaasi oo isna burbur xooggani uu soo gaaray. Waxaanu shilkani kusoo aadayaa iyadoo 24 qof ay ku dhinteen shilal labadii maalmood ee u dambeeyey ka dhacay waqooyiga Itoobiya.

24-kii Ogosto, shil ka dhacay degmada Angolala Tera ee gobolka Waqooyiga Shewa iyo mid kale oo ka dhacay degmada Jiga Nihus ee gobolka Galbeedka Gojjam ee deegaanka Axmaarada, ayaa waxaa ku dhintay 11 qof, waxaana ku dhaawacmay 17 kale.

Maalin ka dib, oo taariikhda miilaadigu ahayd 25-kii Ogosto, waxaan shil gooni ah oo ka dhacay degmada Ahferom ee gobolka dhexe ee Tigray ku naf-waayay ugu yaraan 13 qof.

Shilallka gaadiidka ayaa kusoo badanaya gudaha Itoobiya, iyadoo geesta kalena ay si xawliya usii kordhayaan dagaallada ka dhanka ah dawladda Xabashida Itoobiya ee ka holcaya dalkaasi, gaar ahaan deggaannada Amxaarada, Tigreega iyo Oromada.