Shilal Baabuur oo Khasaare Geystay oo ka Dhacay Waqooyiga Soomaaliya.

Dec 14, 2025

Shilal baabuur oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qaybo ka mid ah waqooyiga Soomaaliya, ayaa sababay khasaare isugu jira mid nafeed iyo mid hantiyeed.

Shilka hore oo maalin ka hor ka dhacay duleedka Bari ee magaalada Hargaysa, ayaa sababay dhimashada ugu yaraan laba qof, halka qof kalena uu ku dhaawacmay sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo deegaanka ah.

Shilkan ayaa yimid kaddib markii ay isku dhaceen gaari nooca booyadda ah iyo mid kale oo nooca xamuulka ah, waxaana baraha bulshada lagu faafiyay muuqaallo iyo sawirro laga soo qaado goobtaasi, kuwaas oo muujinaya burburka xooggan ee soo gaaray gaadiidka shilka galay.

Shilka 2-aad oo shalay ka dhacay deegaan u dhaxeeya magaalada Berbera iyo degmada Sheekh ee isla waqooyiga Soomaaliya, ayaa gaystay khasaare isugu jira dhaawacyo iyo burbur gaadiid.

Shilka gaari ayaa si gaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Geel-lookor, waxaana halkaas ku galay ilaa lix baabuur oo isugu jira gaadiid xamuul ah, kuwa raaxada iyo kuwa rakaabka ah.

Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada oo laga soo qaaday goobta uu shilku ka dhacay ayaa muujinayay gaadiid madaxa iskula jira iyo kuwa kale oo waddada ka baxay.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in shilka dhacay iyo khasaaraha ka dhashay ay aad u kala fogyihiin, waxayna sheegeen in shilkaasi baabuur ay ku dhaawacmeen ilaa 3 qof, kuwaas oo dhaawacyadooda lagu sheegay kuwa fudud.

Wararku waxay sheegayaan in dadka dhaawacmay la geeyay cisbitaal kuyaal magaalada Berbera ee waqooyiga Soomaaliya, waana mid ka mid ah shilalka gaadiid ee ka dhaca wadadan oo ah mid buuro iyo mashquul badan.