Wararka laga helayo wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay shil gaari oo sababay khasaare culus, kaasoo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, uuna dheer yahay burbur hantiyeed.
Shilkan ayaa si gaar ah uga dhacay halka loo yaqaan Carbiska, gaar ahaan meesha lagu magacaabo Bood-boodka, waxaana uu dhacay kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo nooca hoomeyda loo yaqaano.
Inta la xaqiijiyay, waxaa shilkaasi ku geeriyooday afar ruux, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan toban 10 kale, dadka dhaawaca ah ayaana loo qaaday magaalada Muqdisho, si halkaasi loogu dabiibo xaaladooda caafimaad.
Muuqaallo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dadka dhintay iyo dhaawacyada, kuwaasi oo wadada shilku ka dhacay yaalla.
Labada gaari ee isku dhacay ayaa midkood ka yimid dhanka Muqdisho, halka kan kalena uu ka soo socday dhanka degmada Afgooye, waxaana labadooduba gaaray burbur xoogan.
Bilihii u danbeeyay waxaa gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho kusoo badanaya shilalka gaadiidka kuwaasi oo galaaftay nolosha tabanaan ruux, sababayna burbur hantiyadeed.