Shil Khasaare Gaystay Oo Ka Dhacay Bartamaha Magaalada Mandheera.

Apr 19, 2025

Inta la hubiyay ugu yaraan 2 xubnood ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay bartamaha magaalada Mandheera oo ka mida dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya, waxaana halkaas sidoo kale ka dhashay burbur soo gaaray gaadiidka shilka galay.

Shilka ayaa yimid kaddib markii gaari noociisu Bas yahay uu dulmaray gaari kale oo noociisu yahay Hilux, kaasi oo taagnaa sida lasoo warinayo goobta gaadiidka laga raaco ee Mandheera looga aado dhanka magalada Rhamu.

Ilo wareedyo kale ayaa soo sheegay in dadka dhintay ay saarnaayeen gaariga Hilux ee la dulmaray, waxayna wararka qaar sheegayaan in marka hore labada xubnood ay soo gaareen dhaawacyo xoogan, taasi oo keentay in ay u dhintaan dhaawacaasi.

Dhulka NFD ee ka mid ah dhulalka ay Kenya xoogga ku haysato waxaa ka dhaca shilal baabuur, ismaamullada Kenya waxaa sidoo kale aad ugu badan shilalka gaadiidka, kuwaas oo ay sannadkii dhimasho iyo dhaawac ku noqdaan kumannaan qof sida lagu sheego tirakoob sannadle ah oo la sameeyo.