Shil Diyaaradeed oo Khasaare Xoggan Geystay oo ka Dhacay Dalka Maraykanka.

Nov 5, 2025

Sida ay wararku tibaaxayaan khasaare laxaad leh oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo weliba burbur hantiyeed ayaa ka dhashay shil diyaaradeed oo casar-liiqii shalay ka dhacay dalka Maraykanka.

Ugu yaran 7 qof ayaa dhintay, 11 kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii diyaarad xamuul ah ay ku burburtay agagaarka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Louisville ee gobolka Kentucky.

Diyaaraddan oo ay leedahay shirkad la dhaho UPS, ayaa la sheegay in uu dab qabsaday iyadoo ku duuleysa joog hoose ka hor inta aysan dhicin, taasoo keentay qarax weyn oo sababay qiiq madow oo cirka isku shareeray.

“Diyaaradda ayaa gaartay joog dhan 175 cagood ka dibna waxay bilowday inay si xooggan u dhacdo, sida laga soo xigtay raadraaca xogta duulimaadka Flightradar24.” Ayuu sheegay wargeyska The Independent.

Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta gobolku, diyaaraddu waxay sidday shidaal badan oo xaddigiisa lagu sheegay ilaa 38,000 oo Pound (lb), waxaanay u socotay gobolka Hawaii, sida mas’uuliyiinta qaarkood ay xaqiijiyeen.

Muuqaal dusha laga duubay oo Xoghayaha Gaadiidka ee Mareykanka uu la wadaagay bulshadda ayaa muujinaya dab iyo dhismo u eg warshad oo burbur soo gaaray.

Ugu yaraan laba meheradood, ayuu shilkani wax-yeello u geystay, kuwaasoo kala ah warshadda Patroolka ee Kentucky, oo diyaaraddu ay si toos ah ugu dhacday, iyo Goob lagu farsameeyo gawaarida, Sida uu xaqiiyey Andy Beshear oo ah guddoomiyaha gobolka Kentucky.

Dhammaan duullimaadyadii ay qorshaysnayd inay habeenimadii xalay ay kusoo deggaan ama ka duullaan garoonkan ayaa la hakiyey, sida uu sheegay booliiska magaalada Louisville.

Shilkan diyaaradeed ayaa ku soo aaday xilli uu jiro cadaadis xooggan oo saaran nidaamka duulista hawada, kadib markii maamulka Trump uu joojiyey shaqooyin iyo adeegyo badan.

Shaqaalaha hagista hawada ayaa lagu qasbay in ay ku shaqeeyaan mushaar la’aan, waxaanay shaqo la’aantu ay keentay dibu-dhac ku yimaadda garoomada diyaaradaha ee dalka Maraykanka.