Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay saarnaayeen Todobo qof ayaa maanta ku burburtay waqooyiga dalka Hindiya, sababo la xiriira cimilada oo xumaatay taasoo keentay inay wadada ka baxdo sida ay sheegayaan warbaahinta dalkaas.
Warbaahinnadda Hindiya oo soo xiganaya gadoomiyaha gobolka uu shilku ka dhacay ayaa sheegay, in kooxaha gurmadka iyo samata bixinta ay isla markiiba hawlgallo ka bilaabeen goobta uu shilku ka dhacay oo ah mandiqad lagu magacaabo Juuriikundi, halkaas oo uu ku lumay xiriirka diyaaradda lagana helay burburkeeda.
Wax macluumaad lagama hayo inay jiraan dad ka badbaaday shilkaan iyo inkale, si kastaba ha ahaatee waxa uu kusoo aadayaa, iyadoo Khamiistii ina dhaafaty uu dalkaasi ka dhacay shil diyaradeed oo galaaftay noolasha dhamaan rakaabkii diyaaradda saarnaa oo gaariyay 242 qof, marka laga soo taga hal ruux oo isaga ka badbaaday.