Shariif Murtad oo mar Kale Xasan Gurguurte ku Eedeeyey Muranka Doorashooyinka Ridada.

Sep 15, 2025

Shariif murtad oo mar soo noqday madaxii hore ee kooxda ridada Soomaaliya ayaa markale ka hadlay khilaafka ka dhextaagan mucaaradka ridada iyo Xasan Gurguurte ee salka ku haya arrimaha doorashooyinka.

Wuxuu sheegay Shariif murtad in Xasan Gurguurte danta ugu weyn ee uu ka leeyahay isdiiwaan galinta khasabka ah ay tahay inuu ku shubto doorashooyinka soo sacda.

Wuxuu sidoo kale ku eedeeyey inuu ka shaqeeyey Gurguurte kala qeybsanaan siyaasadeed oo u dhaxeeysa siyaasiyiinta, isagoona xittaa soo hadal qaaday inuu kala furfuray xubnihii mucaaradka ee golaha “Samatabixinta”

Shariif murtad ayaa dhinaca kale soo hadalqaaday in kooxda ridada Soomaaliya ku fashilantay dagaalkii ay kula jirtay Mujaahidiinta, isagoona sheegay in deegaano dhowr ah ay Mujaahidiinta dib ula wareegeen.

Wuxuu kaloo ku eedeeyey Shariifka madaxa kooxda ridada Soomaaliya Xasan Gurguurte inuu iska fiirsanayo damaca Itoobiya ay ku doonayso inay ku boobto Badda Soomaaliya.

Tan iyo markii uu sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya mucaaradka ridada iyo Xasan Gurguure, waxaa isi soo tarayey eedeynta mucaaradka ay jeedinayaan madaxa kooxda ridada Soomaaliya murtad Xasan Gurguurte oo dowladdiisa ridada bilihii lasoo dhaafay sidoo kale ku mashquulsaneed boobka dhulalka danta guud iyo kuwa shacabka ay leeyihiin ee ku yaalla magaalada Muqdisho.