Tan iyo talaadadii lasoo dhaafay waxaa wali si xowli ah gudaha gobolka California gaar ahaan magalaada Los Angeles uga holcaya dab halakeeyey dhul balaaran geystana khasaare lixaad leh oo aan horay taariikhda usoo marin gobolkan.
Waxaa uu noqonayaa dabkii ugu xumaa ee taariikhda magaaladaas kaas oo baabi’iyey in ka badan 12,500 hektar oo dhul ah, isla markaana sababay in boqolaal kun oo qof ay qaxaan, wax ka badan 20 ruux ayaa naftooda ku waayey illaa hadda, halka boqolaal dhisme oo ku fadhiyey malaayiin dollar ay dhulka la simeen.
Xukuumadii sheegeyn jirtay iney tahay quwada caalamka ayaana ilaa hadda xakameyn la’a fiditaanka dhimbilaha dabka oo daqiiqad walba gaaray dhul balaaran oo hore, geesanaya khasaara kasoo kabashadiisa ay qaadan doono sanado badan sidaba ay xaqiijinayaan warbixinada iyo falanqeynada soo baxaya.
Hadaba waxaan warbixintan ku eegi doonaa Shan arimood oo ay gaaladu sheegayaan iney yihiin waxyaabaha dabka ka ololaya gobolka California ka dhigay mid si xowli ah ku faafa, iyadoo ay xusid mudan tahay in waxa ka socda Mareykanka ay yihiin ciqaab rabi iyo qisaas caadil ah.
Koow, Khubaro dhowr ah ayaa sheegaya in roobab culus oo da’ay sanadka tagay 2024 ay sababeen iney xaalufiyaan inta badan dhirtii gobolka taasoo sida lagu waramayo sahli karta heer kullka kuleelka dhulka uu soo deynayo marka dhirta ay yaraato taasoo sida lagu waramayo fududeen karta kicitaanka dabka xoogan oo sii faafa.
Arinka Labaad ee loo aaneynayo inuu si xowli ah u faafo dabka Los Angeles ayaa lagu sheegay inuu yahay dabalaylaha Santa Ana oo gudaha gobolka California si xowli ah uga socda tan iyo markii uu bilowday dabkan xoogan.
Dabeylahan xooggan ayaa sii laba jibbaaray dabkii buuraha galbeedka Los Angeles una beddelay holac si degdeg ah u fidaya, kaas oo jibaaxaya dhirta qalalan kuna baahay xaafadda Pacific Palisades ee ku dhow Santa Monica.
Arinka Sadaxaad ee ay warbixnadu xusayaan misana la sheegay in sababta uu u yahay faafitaanka dabka Los Angeles iyo magaalooyinka ku hareereysan waa firirka dabka yacni in dabku uu ku boodo dhul nabdoon isagoo halkaas kusii baahaya geesanaya khasaare hor leh.
Sida lagu waramayo dabeylahan kaliya ma ahan kuwa kiciyaan dabka balse sidoo kale waxay qaadaan dhuxulaha iyagoona gaasiinaya dhul hor leh taasoo oo ah sababta ugu weyn ee burburisaa guryaha marka dabka duurka ku fido, waana sida uu sheegay Rory Hadden oo ah khabiir ku takhasusay cilmi baarista dabka.
Arinka Afaraad ee sababay sii faafitaanka dabkan ayaa lagu sheegay Taagagga Los Angeles iyo wadooyinka yar yar ee ciriiriga ah.
Dhulka buuraleyda ah ee ku yaalla aagga Los Angeles ayaa sidoo kale kordhiya khatarta dababka keymaha, sida uu markale sheegayo Rory Hadden, “dabku aad ayuu ugu faafaa meelaha buuraha ah,” ayuuna yiri ninkan.
Dhulka noocan ah wuxuu sidoo kale ka dhigayaaa daadgureynta iyo badbaadadaa mid adag Mike Bonin oo horay u ahaa xubin golaha magaalada Los Angeles ayaana u sheegay wargeyska The New York Times in waddooyinka ciriiriga ah ee buuraha ku yaalla si gaar ah Palisades ay caqabad weyn ku yihiin dadka isku dayaya inay ka baxaan oo ka yaacaan dabka.
Isbeddelka Cimillada waa qodobka Shanaad ee ay gaaladu u tiirinayaan in dabkan musiibada ah uu si xowli ah ugu sii fido qeybo balaaran oo kamid ah gobolkan gaar ahaan magaalada dhaqaaledeeha uu Mareykanku ku faano ee Los Angeles.
Khabaro dhowr ah ayaa sheegaya in isbeddelka cimilada uu kordhiyo suurtagalnimada dababka noocan oo kale ah uu ka koco gobolka California.
Gunaanudkii dhamaan asbaabahan ay gaaladu ku andocooneyso ayaa ah kuwa ay doonayaan iney isaga indha tiraan in tani ay tahay cadaab ka timid xaga rabiga abuuray koonkan, iyo iney tahay abaalmarinta gabood falkii ay kula kacayeen muslimiinta ku nool daafaha caalamka si gaar ahaan kuwa Qaza maadaama xukuumada Washington maanta ay tahay tan ugu horeysa ee kaalmada nuuca walba ah la garab taagan kayaanka sahaayinada ee har iyo habeen leynaya haweenka, caruurta iyo waayeelada reer Filistiin.
FAAFREEB PRO