Ciidamada kuffaarta Afrikaanta ee duullaanka garadarrada ah ku jooga Soomaaliya ayaa sare uqaaday tacaddiyada ay u geysanayaan shacabka soomaaliyeed ee muslimka ah.
Degmooyinka iyo deegaannada ay gummeysiga ku heystaan ciidamada kuffaarta ayaa lagasoo calaamadeeyay tacadiyo kala duwan oo isugu jira dilal wadareedyo, kufsi ka dhan ah dumarka muslimaadka iyo cuuryaamin dhaqaale.
Deegaanka Buurane ee gobolka Sh/dhexe wuxuu ka mid yahay meelaha ay ciidamada saliibiyiinta Burundi dalka uga suganyihiin ku dhowaad 10 sannadood oo xiriir ah, ciidamadan ayaa deegaanka ka geystay uur_kutaallooyin aad u xanuun badan oo ka dhan ah shacabka.
Dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidanka kuffaarta ay bilahaan dambe xasuuqii shacabka ay ugeysanayeen ku dareen in ay si joogta ah xayiraad ugu soo rogaan beeraha deegaanka oo shacabka u ah dakhli ay noloshooda ku maareeyaan.
Waxay sheegeen in ciidamada saliibiyiintu ay rasaas joogta ah ku furayaan dadka iyo duunyada si aan kala sooc laheyn, mas’uuliyiinta maamulka ashahaadda la dirirka Hirshabeelle ugu magacaaban degmada Mahadaay ayaa wax ka og dhibaatadan ay geysanayaan ciidamada kuffaarta Burundi, waana ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan sida uu sheegay madaxa guddiga beeralayda Buurane.
Deegaanka Buurane ee qeylladhaanta shacabka ay kasoo yeerayso ayaa qiyaastii 3Km dhanka qorraxsin uga beegan degmada Mahadaay ee wilaayada Sh/dhexe, ciidamada kufaarta ayaana dhaqan joogta ah ka dhigtay dhibaateeynta shacabka.