Waxaa meeshii ugu sarraysay gaaray musuq maasuqa iyo xatooyada maaliyadeed oo ay ku kaceen madaxda ugu sarraysa kooxda Riddada, taas oo kadhigan in nidaamka Xasan Gurguurte uu gacmaha kula jiro mid ka mida fasaadkii ugu darnaa ee dalka soo mara.
Waxa loogu yeero Hanti dhowraha guud ee kooxda Riddada ayaa soo saaray warbixin diilinta guduudan saaraysa musuqa iyo boobka hantiyadeed ay ku ka kaceen mas’uuliyiinta maamulka Riddada ee Villa Somalia.
Wuxuu sheegay in saraakiisha hoggaamisa seddaxda maxkamadood ee ugu sarraysa kooxdaasi ay aruursadeen lacago ka badan hal milyan oo Doollar, islamarkaana ay diideen in ay kala shaqeeyaan fatashaad baaris ah oo lagu sameeyo musuq ay dhax muquuranayaan.
Axmed Ciise Guutaale oo ah hantidhowraha guud ee kooxda Riddada ayaa warbixintiisa ku faahfaahiyay lacagaha la lunsaday, isagoo hay’adahaasi lacagaha laaluushka ah ka aruursaday shacabka ku kala sheegay inay kala yihiin maxkamadda Riddada gobolka Banaadir, Maxakamadda sare iyo maxkamadda Racfaanka Riddada, badankoodna lacagah ay musuq maasuqeen ayaa ah dhulalka sida xowlliga ah looboobayo.
Musuq-maasuqa baahsan ee ka dhexjira hay’adaha kooxda Ridada oo ay badi ku kacaan masuuliyiinta ugu sarreysa murtadiinta ayaa sii kordhay markii uu xarunta Villa Soomaaliya dib ugu soo laabtay Xasan Gurguurte, lacagaha ugu badan ee ay dhacaan dhulalka danta guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay, siyaasiyiinta mucaaradka Riddada ayaana sheegay in lacagahaasi si suuq madow ah lagu kala qaatay oo ay ku dhaceen jeebka shakhsiyaadka ku dhow Xassan Sheikh Maxamuud.