Sawirro: Isku soo Bax ka Dhan ah Faragelinta Yuhuuda ee Soomaaliya oo ka Dhacay Magaalada Jilib.

Jan 10, 2026

Gelinkii hore ee maanta waxaa magaalada Jilib ee gobolka Jubadda dhexe ka dhacay dibad bax ballaaran oo looga soo horjeedo faragelinta Yahuudda ee Waqooyi-galbeed Soomaaliya, si gaar ahaan aqoonsi ku sheegii ay dhowaan siisay maamulka gaala raaca ah ee Somaliland.

Fagaaraha macallim Aadam Xaashi Ceysrow ee magaalada oo ay soo xaadireen kumanaan qof ayay dadku kusoo bandhigen shucuurtooda, waxaana dadka dibax baxa kasoo qeyb galey ka mid ahaa Sheekh Aadan Suni, Abwaan Cabdi Waaxid Gamaadiid, golaha sallaadiinta iyo dhalinyarada ee magaalada iyo marti sharaf kale, waxaana la arkayey dad ka caraysan faragelinta Yahuudda, kuwaas oo sheegay inaan looga hortagi karin wax aaney Jihaad ahayn.

Sidoo kale, bulshada Jilib ayaa iyaga oo sita hal ku dhigyo muujinaya naceybka Yahuudda iyo dabadhilifyadooda ay socdaal ku marayeen wadooyinka waaweyn ee magaalada.

Haddabada qeybbta hoose ka daawo sawirro ku saabsan dibad baxa Jilib.