Maalinnimadii shalay ee Axadda aheyd waxaa baraha bulshada qabsaday oo lagu faafiyey sawirro muujinaya madaxweyne ku xigeenka maamulka ridada Hirshabeelle, Yuusuf Dabageed, oo lagu sheegay in uu sagootinayo dhaawacyo ka mid ah maleeshidkii ridada ee ku soo dhaawacmay dagaalladii ka dhacay Hiiraan. Sawirradaas markii la baahinayay ayaa lagu sheegay in maamulka ridada Hirshabeelle uu diyaarad u kireeyay dhaawacyadaas, si dib loogu celiyo Hiiraan.
Hase ahaatee, kadib markii la isku sawiray dhaawacyada aanan wali bogsoonin ayaa goobtii looga kala dhaqaaqay iyadoo aanay jirin wax diyaarad ah oo loo kireeyay, kadib markii la waayay cid bixisa lacagta kirada diyaarada.
Wararka ayaa intaas ku daraya in madaxa maamulka ridada Hirshabeelle Cali Guudlaawe uu horay ugu ballanqaaday inuu maamulkiisa bixin doono kharashka diyaaradda, balse markii dhaawacyadu ay gaareen garoonka diyaaradaha ayuu ka baaqsaday bixinta lacagta. taas oo keentay in dhaawacyada ilaa xalay ay ku dhex xayirnaadaan gudaha garoonka, ugu dambeyna waxaa dhaawacyadii dib loogu celiyey goobihii caafimaad ee markii hore laga soo qaaday, iyadoo illaa iyo hadda aan la helin wax diyaarad ah oo qaadda.
Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa aad isu soo tarayay wararka la xiriira dayaca iyo daryeel xumada ay la kulmayaan maleeshiyaadkii ku soo dhaawacmay dagaaladii Ashahaada la dirirnimada ahaa ee ay kaga jireen wilaayada Hiiraan, waxaana soo ifbaxday isku tuurtuur la xiriira cidda qaadeysa mas’uuliyada dhaawacyadaas, waxaana ilaa iyo hadda aanan jirin cid dhabarka u ridata darxumada heysata maleeshiyaadka xaabada looga dhigay ladagaalkan sharciga Allaah.