Xilli uu isa soo tarayo damaca guracan ee dawladda Xabashida Itoobiya, islamarkaana ay warbaahinta mudooyinkii dambe kasoo muuqanayeen mas’uuliyiinta dalkaasi oo ku cataabaya in lagama maarmaan tahay in bulshada Itoobiya ay bad hesho, ayaa markan waxaa hadlay sarkaal ka tirsan Difaaca Itoobiya.
Jen. Bulti Tadess, oo ah madaxa Kulliyada Difaaca Itoobiya ayaa shalay sheegay in doonista Itoobiya ee badda ay tahay hadaf qaran iyo ujeedo lama huraan ah oo loo baahan yahay in la gaaro sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale, Jen. Bulti Tadesse ayaa fariin u diray ciidanka difaaca Itoobiya, isagoo sheegay inay heegaan joogto ah ku jiraan, isla markaana loo baahan yahay in ay dhinac kasta iska diyaariyaan, “Ciidanka difaaca waa in maskax ahaan iyo jir ahaanba u diyaar garoobaan, si aan uga jawaabno amarrada dawlada kasoo bixi kara,” ayuu yiri.
Hadalka kasoo yeeray sarkaalkan Itoobiyaanka ah ayaa muujinaya in Itoobiya sii kordhinayso cadaadiska iyo ololaha ku aaddan doonisteeda marin badeed, taas oo ay si joogto ah ugu celceliyaan madaxda sare ee dalkaasi.
Horaantii sanadkii lasoo dhaafay ee 2024, ayay ahayd markii madaxii hore ee maamulka ashahaada la dirirka ah ee Soomaaliland, murtad Muuse Biixi Cabdi uu heshiish xaaraan ah la galay Abiy Axmed, kaasi oo ogalaanayay in 20km oo badda Soomaaliya ah ay qaadato Itoobiya.
Tallaabadaasi waxaa si aad ah uga soo horjeestay bulshada Soomaaliyeed ee muslimka ah oo ay ugu horeeyaan shacabka dulmi diidka ah ee ku dhaqan wilaayaadka Islaamiga ah, hormuud-na oga ahayd Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo si adag arinkaa oga dhiidhisay, fariin-na u dirtay dawlada Xabashida Itoobiya.
FAAFREEB PRO