Saraakiil Murtadiin ah oo Lagu Dilay Qarax ka Dhacay Afgooye.

Jul 11, 2025

Sh/hoose.

Qarax ciidamada mujaahidiintu saaka ka fuliyeen gudaha Afgooye ayaa lala eegtay gaari uu la socday murtad lagu magacaabo Gaashaanlle dhexe Maxamuud Saleebaan oo ahaa abaanduulaha Ururka 54-aad ee guutada 7-aad ee ka howlgasha inta u dhaxayso Afgooye iyo Balli-doogle.

Qaraxan waxaa ku dhintay murtadkan iyo saddex ka tirsan ilaaladiisa, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay saddex ka tirsan ilaaladiisa.

Murtadkan wuxuu sidoo kale ahaa, nin la shaqeeya ciidamada saliibiyiinta Maraykanka ee ku sugan Balli-doogle, una soo qori jiray jawaasiista, isla markaana dhibaato xooggan u geysan jiray shacabka ku dhaqan deegaanno ka tirsan Sh/hoose.

Sidoo kale qaraxa waxaa ku dintay taliyihii saadka ururka 54-aad ee guutada 7-aad oo lagu magacaabi jiray Xasan.